War Ka Soo Kordhay Shaqaale Hore Looga Eryay Garoonka Diyaaradaha Berbera.
"waxaan garab u nahay Muwaadiniinta Shaqaalaha ..."
Hargaysa (HWN) Maamulka Gobolka Saaxil oo ay Wehelinayaa gudida nabadgelyada Gobolka Saaxil ayaa shaqaale laga eryay garoonka diyaaradaha Berbera dib ugu celiyay shaqadoodii, sida uu sheegay Maxamed Saddiiq dhame oo arinka shaqaalahaasi sidhaw ula socday.
Xoghaye dhamme oo ka hadlaya arinka shaqaalahaasi ayaa qoraalkan hoose baahiyay:-
"Guddida Nabadgelyada Gobolka Saaxil oo ay Hoggaaminayaan Maayarka Degmada Berbera iyo Badhasaabka Gobolka Saaxil waxaan ku boogaadinayaa xilka ay iso saareen in ay Shaqada ku celiyeen Shaqaalihii Madaarka Berbera ee ahaa Aviation Security (AVSEC) 21 iyo Ground Handling Operator (GHO) 10 qof in Shaqadii lagu celiyay, waxaan rajaynayaa in guud ahaan Shaqaalaha heshiiskii (Contract) sannad laha ahaa loo cusbaynaysiiyo oo ay helaan xuquuqdooda oo dhamaystiran, waxaan garab u nahay Muwaadiniinta Shaqaalaha ee Xuquuqdooda la duudsiyo iyo kuwa Sharci darrada lagu eryo."
Xoghaye dhamme ayaa sidoo kale markii hore ee shaqaalahan shaqada laga eryay kamid ahaa masuuliyiintii cambaareeyay shaqo ka eryida lagu sameeyay shaqaalahan
Loading...
Loading...