Qaybtii 2aad: Qoraagii Qarsoonaa.

0
Monday March 18, 2024 - 11:02:31 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybtii 2aad: Qoraagii Qarsoonaa.

    Waxaan bilaabay inaan kor u dhawaaqo, balse , wax cod

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan bilaabay inaan kor u dhawaaqo, balse , wax cod


"waan qaldanaa". "ma jirin nin meesha joogay". Maalintaa waxaan u baxay socod, kamana shaqayn buugaygii. Maan dooneyn inaan qolka joogo. Maan rabin in aan arko ama maqlo, waxyaabahan layaabka leh.


Habeen, ayaan tagay mar labaad qolkii. Qolku wuxuu ahaa mid juuqla iyo jabaqla' ah. Waxaan fiiriyay muraayadii; waxaan arkey wajigaygii. Balse, maan faraxsaneyn.



Waxaan tagay sariirta, balse maan seexan kareyn. "Barri halkan waan isaga tagi doonaa", ayaan is-idhi. Intaa ka dib, waan seexday. Balse, mar kale, waxaa dhacay waxyibihii layaabka lahaa.


Ninkii kale ayaa soo dhinac istaagay sariirteydii, wuuna ila hadlay. " halkan waligaa kama tagi doontid", ayuu yidhi. " "Aniga ayaad ila joogi doontaa".


Dabadeed, waxaan kala qaaday indhahaygii. Waxaan ahaa mid dhaxmoonaya oo cabsoonaya.

"Hadda ayaan isaga tagayaa", ayaan idhi.


Ma sii joogi karo hal daqiiqo. Si degdeg leh, ayaan alaabtii shandad ugu gurtey. Waa inaan hadda ka dhaqaaqo meesha. Maan ilaawi kareyn ninkaa, sidaa awgeed, aad ayaan u cabsoonayay. Balse, maxaan uga cabsanayay? Garan maayo.


Qolkii dhexdiisa ayaan eeg-eegay. Sidoo kale mar labaaad waxaan fiiriyay muraadda dhexdeeda. Si lama filaana, ayaa aan u dareemay qabowgii iyo cabsidii oo igu sii kordhaysa. Kamaan dhex arki kareyn muraayadda ninkii kale. Waayo? Maxaa yeellay, meesha muu joogin. Haddana waxaan eegay muraayadii; Muraayadda kama dhex arkeyn wajigaygii. Maba jirin waji(wajigii iguma yaallo)Maxay tahay sababtu?


Waxaan bilaabay inaan kor u dhawaaqo, balse , wax cod ah oo iga soo baxayaaba ma jiro!....

La soco qaybta 3aad...


W/T: qoraa maxamed Haybe Axmed.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...