Dawlada Somaliya Oo Shaacisay Ujeedada Safar Xasan Sheekh Ereteriya Ku Tagay.
"Safarkan Xasan sheekh ee Asmara ayaa ku soo beegmaya xili weli ay taagantahay xiisada..."
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmaraa ee dalka Ereteriya halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho labo maalmood ah, Madaxweynaha ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Mudane Isaias Afwerki.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, kor u qaadidda iskaashiga difaaca, amniga iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka, ayaa lagu yidhi qoraal ay baahisay Villa Somaliya.
Safarkan Xasan sheekh ee Asmara ayaa ku soo beegmaya xili weli ay taagantahay xiisada ka dhex taagan Somaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan heshiiska ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland ee Badda.
Loading...
Loading...