U Toosnow Sidii Lagu Faray.

0
Sunday March 17, 2024 - 10:36:39 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    U Toosnow Sidii Lagu Faray.

    "Toosnaada oo ku dhowaada toosnaanta,oo ogaada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Toosnaada oo ku dhowaada toosnaanta,oo ogaada



Eraygaasi xagga Rabi oga yimid Aadanaha wuxuu ka dhigan yahay,amar hadiyad ah oo uu Eebe u hibeeyay bani Aadamka.


Toosnaantu waa sida wanaagsan ee uu Rabi doonayo oo lagu toosnaado,layskana daayo waxa xun ee uu Rabbi xumaanta ku sheegay.



Ilaahay wuxuu yiri:-

"{فَاسْتَقِمْ كَمَا أُمِرْتَ


وَمَن تَابَ مَعَكَ وَلا تَطْغَوْا إنَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ} [هود: 112]."

"U toosnow sidii lagu faray adiga iyo kuwa kula jira ee Eebe u soo laabtay hana xadgudbina waayo Eebe waa mid waxaad samaynaysaan u jeeda”.


Wuxuu kale oo Eebe yiri:-

‎"{ فاستقيموا إليه واستغفروه } الآية(3) "


"U toosnaada Eebe xaggiisa oo kana dambi dhaaf dalba”.

Wuxuu kaloo yiri:-


‎"فَلِذَٰلِكَ فَادْعُ ۖ وَاسْتَقِمْ كَمَا أُمِرْتَ ۖ وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَاءَهُمْ ۖ وَقُلْ آمَنتُ بِمَا أَنزَلَ اللَّهُ مِن كِتَابٍ ۖ وَأُمِرْتُ لِأَعْدِلَ بَيْنَكُمُ ۖ اللَّهُ رَبُّنَا وَرَبُّكُمْ ۖ لَنَا أَعْمَالُنَا وَلَكُمْ أَعْمَالُكُمْ ۖ لَا حُجَّةَ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ ۖ اللَّهُ يَجْمَعُ بَيْنَنَا ۖ وَإِلَيْهِ الْمَصِيرُ (15)"


"Eebe caabud oo bari oo u toosnow sidii lagu faray oo ha raacin hawadooda,waxaadna tiraahdaa waxaan rumeeyay wixii Eebe soo dajiyay oo kitaab ah,oo waxaana lay faray inaan idiin cadaalad sameeyo,Alle ayaa Rabigayo iyo kiinaba ah,inagu camal falkeena ayaanu leenahay idinkuna camal falkiina,wax xujo iyo jikaar ah oo innaga iyo idinka inoo dhaxaysaa ma jirto,Eebe ayaa ina kulmin doono qiyaamaha xagiisa uun baana meel loo ahaado oo lagu dambeeyo ah”.


Toosnaanta Eebe inaga doonayaa waa mid aan xadgudub la socon oo ku eg sida uu isaga doonayo oo ah in si dhexdhexaad ah oo xad gudub iyo gabood fal ka maran diinta loogu dhaqmo.


Wanaaga Eebe doonayo oo lagu dhaqmo ama lagu dhowaado ayaa xal u ah insaanka.


Dabciga bani Aadamkabadankii ayaa ah mid anaaniyo ku salaysan oo xad gudub ama gabood fal ku astaysan,sidaa darteed ayaa Rabbi kol kasta aadanaha iimaanka laga helay ula barbar taagan yahay fududeyn iyo cafin,oo xitaa toosnaantii la faray haday ka gaabiyaan inay ku dhowaadaan xal looga dhigay.


Rasuulka scw wuxuu yiri:

وعن أبي هريرة عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «سدِّدوا وقاربوا، واعلموا أنه لن ينجوَ أحد منكم بعمله. قالوا: ولا أنت يا رسول الله؟ قال: ولا أنا إلا أن يتغمـدني الله برحمة منه وفضل»؛رواه مسلم.


"Toosnaada oo ku dhowaada toosnaanta,oo ogaada in uusan axad idinka mid ahi ku badbaadaynin camalkiisa,xitaa adiga ayay asxaabtii yiraahdeen,kolkaasuu Rasuulka scw yiri:-xitaa aniga illaa inuu Eebe raxmadiisa i dhex muquuriyo mooyee”.


Inta badan toosnaantu diinta ina farayso waa dhexdhexaadnimo ee maaha sida dadka qaarkii moodaan xadgudub iyo ku talaxtag,oo haday umadihii hore labadaa halbeen kala hiigsadeen Alle wuxuu umaddan ku asteeyay waa dhexdhexaadnimada.


‎"{وَكَذَلِكَ جَعَلْنَاكُمْ أُمَّةً وَسَطًا}

"Sidaa baanu idiinka yeelnay Ummad dhex dhexaad ah”

Ibnu qayim oo arintaa dhexdhexaadnimada ah ka hadlaya waxa uu yiri:-


‎وقال ابن القيم: "الوسط الموضوع بين طرفي الإفراط والتفريط هو العدل، وهو الذي عليه بناء مصالح الدنيا والآخرة”


"Dhex dhexaadnimada waa wax u dhaxeeya xadgudub iyo gabood fal waana halka cadaaladdu taal,waana waxa ay ku dhisan tahay maslaxada Adduun iyo Aakhiraba.


Imaam Awzaaci wuxuu yiri:-

‎"وقال الأوزاعي: "ما من أمر أمر الله به إلا عارض الشيطان فيه بخصلتين ولا يبالي أيهما أصاب: الغلو أو التقصير".


"Amar kasta oo Eebe faro Sheydaan baa wuxuu ugu soo banbaxaa laba arimood oo uusan kala jecleyn midda uu ku asiibo oo uu ku lumiyo dadka,xadgudub iyo gaboodfal kay dooniba ha u ahaatee”.


Imaamu dhaxaawi waxa uu yiri:-

"وقال الطحاوي: "دين الله في الأرض والسماء واحد، وهو دين الإسلام، وهو بين الغلو والتقصير"


"Diinta Eebe ee Dhulka iyo Cirkaba waa mid kaliya waana diinta Islaamka ee u dhaxeysa ka badbadinta iyo ka gaabinta”.


Toosnaanta kol kasta diinta islaamku sheegto waa barta u dhaxeysa ku takaxtagga iyo ka gaabinta,Rasuulka scw wuxuu yiri:-


‎وعن بريدة رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «عليكم هدياً قاصداً (قالها ثلاثاً)؛ فإنَّ من يشاد هذا الدين يغلبه»[8].


"Waxaan idinku ogahay hadyiga dhexdhexaadka ah-seddex goor ayuu sidaa yiri Rasuulka”-ka dibna wuxuu yiri:- Qofkii Diintan isku adkeeya way ka qaalib noqotaa”.


Wuxuu kaloo yiri:-

‎وعن ابن مسعود رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «هلك المتنطعون» قالها ثلاثاً[9].


"Waxaa hoogay oo halaagsamay kuwa diinta ku talax-taga ee ka badbadiya umuuraha diinta”.

Rasuulka scw wuxuu ahaa mid ku taagan oo ku toosan wixii la faray oo fududeynta diinta islaamka ah oo kolkii Eebe ku yiri:-


"فَاسْتَمْسِكْ بِالَّذِي أُوحِيَ إلَيْكَ إنَّكَ عَلَى صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ} [الزخرف: 34].

"Qabso oo ku dhag wixii laguu waxyooday oo kolkaa adiga waxaad haysaa ood ku taagan tahay wadadii toosneyde”.


Rasuulku wuxuu Umadda ugu baaqay fududeynta diinta iyo ka dheeraanka xag jirnimada.

وعن محجن بن الأدرع رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال: «إن خير دينكم أيسره» قالها ثلاثاً


"Diintiina waxaa u khayr badan hadba midda ugu fudud”.seddex goor ayuu sidaa yiri Rasuulku.


Isla marka ay Eebe iyo Rasuulkiisa scw toosnaanta diinta inoogu sheegeen in ay tahay sahlidda diinta iyo fududeynteeda,ayay sidoo kalana inagu barayaan in toosnaantu tahay ka dheeraanta xadgudubka iyo ka badbadinta.


Ilaahay wuxuu yiri:-

"{يَا أَهْلَ الْكِتَابِ لا تَغْلُوا فِي دِينِكُمْ وَلَا تَقُولُوا عَلَى اللَّهِ إِلَّا الْحَقَّ ۚ النساء: 171]

"Kuwa kitaabka la siiyayow ha ku xadgudbina diintiina oo Eebana ha ka sheegina wax aan Xaq ahayn”.

Rasuulka scw wuxuu yiru:-


" «إياكم والغلو؛ فإنما أهلك من كان قبلكم الغلو في الدين»[11].

"Waxaan idiinkaga digayaa xadgudubka iyo ka badbadinta diinta waayo kuwii idinka horreeyay waxaa halaagay ku talaxtagga diinta”.


Ugu dambayntii walaal toosnaantu maaha waxa adiga iyo aniga ama dad kalaba la quman ee toosnaantu waa waxa Eebaha dadka iyo dunidaba abuuray uu qumanaan ku sheegay ee uu Adeegayaashiisa u soo dhiibay si ay dadka u baraan diinta baraxa tiran ee sahlidda umuuraha bari taaraysa.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...