Libaax Xalay Lagu Arkay Duleedka Hargaysa Iyo Fariinta Loo Diray Shacabka

0
Sunday March 17, 2024 - 08:50:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Libaax Xalay Lagu Arkay Duleedka Hargaysa Iyo Fariinta Loo Diray Shacabka

    "Ugu danbayn waxaan ku baraarujinayaa dadka deegaanadan "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ugu danbayn waxaan ku baraarujinayaa dadka deegaanadan "




Libaax ( Aar ) loo malaynayo inuu socoto yahay oo dibad gale ah ayaa xalay fiidkii lagu arkay galbeedka caasimadda, inta u dhaxaysa malawle iyo hargeisa gaar ahaan laagta loo yaqaan ( kalawley ). 


Xogta libaaxan oo xalay ay ilasoo wadaageen dad ka mid ah ehelkayga oo uu gurigooda oo nawaaxigan ah toos usoo abaaray inkastoo aanu dhibaato u geysanin ayaa waxay mar labaad saaka ii sheegeen isla qoyskaasi inay arkeen dad kale oo xalay si kedisa ula kulmay libaaxan. 


Sida la qiyaasayo bahalkani uma muuqdo inuu yahay dad qaad inkastoo aan la isku hallayn karin waxaana dad badani sheegaan in sanad kasta xilliyadanoo kale la arko libaaxyo socoto ah oo marmar raxan ama dhawr ah kuwaasoo ka yimaada deegaanada hawdka ee kililka shanaad ee ethiopia iyo meelo ka shisheeya iyagoo usii jeeda dhinaca xeebta somaliland gaar ahaan woqooyiga hargeysa una doonta geed la yidhaahdo ( qurjeen ) oo libaaxa iyo dadkuba dawo ahaan u cunaan, waxaana la mala awaalaa in marka libaaxu geediga noocana ku jiro aanu geysanin dhibaato dad iyo mid duunyo, isagoo ilaalinaya dariiqa uu geedkan u marayo godobna iska ilaalinaya, taas bedelkeedana uu ugaadhsado duurjoogta kale ee ku nool deegaanada uu ukala gooshayo. 


Ugu danbayn waxaan ku baraarujinayaa dadka  deegaanadan iyo meelaha la xidhiidha ku nool  inay feejignaadaan.


QORE; SUXUFI/ABWAAN AXMED CISMAAN BATUUN.
Loading...
Loading...