Wasiir Maxamed Kaahin Oo Dedaal Ugu Jira Xil Ka Qaadista Maayarka Gabiley

0
Wednesday July 10, 2019 - 16:03:53 in News by
  • Visits: 4221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Dedaal Ugu Jira Xil Ka Qaadista Maayarka Gabiley

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Dedaal Ugu Jira Xil Ka Qaadista Maayarka Gabiley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Dedaal Ugu Jira Xil Ka Qaadista Maayarka Gabiley


Hargeysa(HWN):-Aqlabiyadda Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Gabiley iyo Maayarkooda Maxamed Amiin oo khilaaf xooglihi ka dhex aloosan yahay ayaa shalay isku shubay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.




Sida ay sheegeen warar soo gaadhay Foore qaar ka mid ah Xildhibaanadani markii ay ka soo baxeen shirkii Wasaaradda, waxa uu muran xoog lihi dhex mara Wasiir Maxamed kaahin iyo Maayar Maxamed Amiin kadib markii uu wasiirku ku amray inuu Maayarku ogolaado in Codka Kalsoonidda loo qaado, xildhibaanadana uu u ogolaado inay hoolka Shirarka Dawlada Hoose ee Gabiley fadhiistaan.


Maayarka ayaa Wasiirka u sheegay inuu fulinayo awaamiir uu sheegay inay uga timid dhinacaMadaxtooyadda oo uu sheegay inaanay raali ka ahayn muranka Golaha ka taagan iyo in fadhiyo buuq keenaya la sameeyo, waxaana arintaasi aad uga cadhooday Wasiirka, isagoo markii dambe nidar ku galay sida ay sheegeen in fadhigaasi qabsoomi doono. Wasiirka ayaa sido kale u sheegay Xildhibaanadan inuu gudi arintani la socota Maanta soo saarayo .


Xildhibaanada kasoo horjeeda Maayarka oo aad u faraxsan ayaa Shalay iskugu yimid Huteelka Imperial ee Magaaladda Hargeysa islamarkaana isku boorinayay inaan wax fur fur ah lagu samayn ee ay ka midaysnaadaan qadiyadii ay ku wada socdeen.

Loading...
Loading...