Soo Celinta Komishineer Cabdicasiis, Far Baa ku Godan!

0
Saturday March 16, 2024 - 14:27:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soo Celinta Komishineer Cabdicasiis, Far Baa ku Godan!

    "komishineerku ma halkii xeerkii doorashooyinka ayuu galay?"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"komishineerku ma halkii xeerkii doorashooyinka ayuu galay?"



Hargaysa (HWN) Xildhibaan Axmed Muuse Jaamac oo kamid ah xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay xubinta komishanka doorashooyinka ee xisbiga Waddani ee Muuse Biixi dib ugu soo celiyay Golaha Wakiilada oo diiday xil ka qaadis uu hore Muuse Biixi ugu sameeyay xubintan, sida uu xildhibaanku qoraalkan ku sheegay:-



Soo celinta komishineer Cabdicasiis Xirsi Warsame,far baa ku godan!

Komishineerka markii golaha loo soo gudbiyey, golaha lagama hor akhriyin dembiga uu galay ee xilka looga qaadayo. Komishineer. Balse golaha waxaa laga hor akhriyey xilka qaadistii Komishineer Cabdicasiis ee uu madaxweynuhu soo jeediyey, taasoo ay shardi tahay in Golaha wakiilladu ku  ansixiyo, Cod hal dheeri ah Sida ku xusan qodobka 15aad farqada 3aad.


Mana jirto aduunkana kama dhacdo qof la soo eedeeyey oo aan dembigisiii la daba sidin .


Sidaa awgeed golaha oo gudanayo waajibaadkiisa ayaa diidey xilka qaadista madaxweynuhu soo jeediyey, ee Komishineerka  labada xaaladoodna golaha ayaa xaq u leh 

Hadaba horaa loo yidhi "hal godol diidaysaa geedey ku xoqato ma weydey".
komishineerku ma halkii xeerkii doorashooyinka ayuu galay?"

WQ-Xildhibaan Axmed Muuse Jaamac.
Loading...
Loading...