Heshiiskii Somaliland iyo Ethiopia oo u muuqda mid buray iyo qodobada fashilmay

0
Saturday March 16, 2024 - 11:43:13 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiiskii Somaliland iyo Ethiopia oo u muuqda mid buray iyo qodobada fashilmay

    Isku-deyga wada-hadallada dowladda federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isku-deyga wada-hadallada dowladda federaalka.


Heshiiska Abiy Axmed iyo Muuse Biixi ee lagu gaaray magaalada Addis Ababa 1-dii Janaayo ee sanadkaan ayaa si weyn ugu hoos dhacay filashadii laga qabay.


 

Muuse Biixi oo u muuqday nin ay wax badan gacanta ugu jiraan markii uu heshiiska galaayay ayaa waa-cusub u baryay, waxaana Muqdisho xayirtay dhamaan tallaabooyinkii uu isku dayay inuu u qaado dhanka fulinta heshiiska.



 

Muuse Biixi iyo Abiy Axmed waxay ku heshiiyeen in 30 maalmood gudahood heshiiska looga dhigo mid rasmi ah, Itoobiyana ay ictiraafto Somaliland, laakiin maanta oo 2 bilood iyo dhowr iyo toban cisho laga joogo waqtigii heshiiska la saxiixay wax tallaabo ah oo dhaqan-gal ah lama qaadin.


 

Dhowr arrimood oo ay Muuse Biixi iyo Abiy Axmed isku dayeen ayaa midkoodna shaqeynin.


 

1. Fashilkii socdaalkii Hargeysa.


Markii koowaad waxaa la isku dayay inuu magaalada Hargeysa tago wafdi sare oo Itoobiyaan ah oo la aaminsan yahay inuu ku jiray ra’iisul wasaare Abiy Axmed, laakiin Muqdisho ayaa qaaday duulaan hawada ah iyada oo celisay diyaarad siday wafdi hordhac u ahaa safarka Abiy Axmed ee magaalada.


 

Waxaa markaas abuurmatay cabsi ah in Muqdisho u bareeri doonto in diyaaradda Abiy ay hawada ka celisay, taasi oo si weyn u dhaawici kartay sumcada diyaaradda Ethiopian Airlines ee adduunka iyo midda ra’iisul wasaaraha Itoobiya.


 

Waxaa la sheegay inay Itoobiyaanka heleen xog ku saabsan inay Muqdisho sidaas u diyaar garowday. Safar dhulka ah ayaa laga fikiray si heshiiska dhameystirkiisa macno loogu yeelo, balse Itoobiyaanka ayaa la sheegay inay ka cago jiideen.


 

2. Soo hormarinta aqoonsiga Somaliland.


Midda labaad waxaa la isku dayay in Itoobiya ay soo hormariso aqoonsiga Somaliland, iyadana waxaa ka dhacay culeys iyo dib u gurasho.


 

Waxaana dhawaan wargeyska Bloomberg ee Mareykanku sheegay inay Itoobiya isku diyaarineyso inay qodobkaasi meesha ka saarto, iyada oo fiirineysa diidmada caalamka iyo mowqifka adag ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.


 

Hargeysa kuma farxin dib u gurashada dhanka Itoobiya, laakiin waxay taasi dhinaca kale sawirtay sida uu madaxweyne Xasan Sheekh u shaqeeyay tan iyo markii xiisadda bilaabatay.


 

3. Isku-deyga wada-hadallada dowladda federaalka.


Afar jeer oo kala duwan ayuu ra’iisul wasaaraha Itoobiya damcay inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inta ay xiisaddani taagneyd laakiin dhamaan ma suurta-galin, iyada oo madaxweyne Xasan uu dhamaan ku adkeystay in marka hore Abiy ka laabto is-afgaradkii Addis Ababa.


 

Abiy Axmed ayaa shirkii Midowga Afrika ee ugu dambeeyay waxa uu ka qirtay in madaxda Kenya, Jabuuti iyo Uganda ka dalbaday inay Xasan Sheekh la kulansiiyaan balse ay diidmada ka timid dhanka madaxweyne Xasan Sheekh.


 

4. Guul-daradda beesha caalamka ee heshiiska.


Midda afaraad waa guul-darada lagala soo kulmay dhanka beesha caalamka. Itoobiya markii ay heshiiskan gashay kadib waxay qaaday olole diblumaasiyadeed oo ay rabtay inay caalamka kaga iibiso xaq ahaanshaha arrintaan.


 

Laakiin waxay waayeen hal dowlad oo aqbasha. Niyad-jab ayay Addis Ababa ka qaaday diidmada aan kala harka laheyn ee beesha caalamka, waxaana loo sheegay in Muqdisho ka saxan tahay.


 

5. Isku-deygii Nairobi.


Midda 5-aad waa isku deygii asbuucan ee magaalada Nairobi, kaasi oo toddobaadkan dowladda Kenya u kala dab-qaaday laba wafdi oo ka kala socday Soomaaliya iyo Itoobiya.


 

Waxay isku dayeen Itoobiyaanka in nuxulka koowaad si dabacsan oo isku soo dhawaansho muujineysa loo qoro, iyada oo aan lasoo hadal qaadeyn ereyga "ka noqosho” balse si guud ay qabaan in heshiiska laga laabto.


 

Laakiin Soomaaliya ayaa diiday inuu hab qoraalka uu sidaas noqdo, waxayna ku adkeysteen dhinacii ka socday Soomaaliya in lagu qoro warqadda inay Itoobiya aqbashay in guud is-afgaradkii laga noqday, taasi oo keentay inay Itoobiyaanka dalbadaan waqti dheeri ah.


 

Qodobbadan waxay ka dhigan yihiin in tallaabo walba oo Itoobiya iyo Somaliland ay qaadeen tan iyo heshiiskii Addis Ababa in aanay shaqeynin, taasi oo si weyn u dhaawacday dad badan oo laga yaabo inay markii hore heshiiskan fursad beenaad uga dhex jeedeen.

Loading...
Loading...