Xikmadda Soonka.

0
Saturday March 16, 2024 - 11:28:43 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xikmadda Soonka.

    Haa waa inuu wax ku fari karo waxna kaa reebi...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haa waa inuu wax ku fari karo waxna kaa reebi...


May be an image of ‎1 person and ‎text that says '‎المحافظة_على اللسان في رمضان عن أبي هريرة رضي الله عنه :قال قال رسول الله صلی الله علیه :وسلم من» لم يدع قول الزور والعمل ،به فليس لله حاجة في أن يدع طعامه وشرابه رواه البخاري دروس صحیح البخاري‎'‎‎


Soonku waa Tababar waa Kuliyad Nafta lagu carbinayo oo lagu tababarayo,waa Koorso Dadka lagu diyaarinayo oo loogu sheegayo inay si ku meel gaar ah ku hantaan Xakamaha Nafta oo ay u darbaan raacitaanka awaamirta Eebbe iyo ka tagidda waxa uu ka reebay.


﴿ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ}.


"Kuwa iimaanka laga helayow waxa laydinku dul qoray Af iyo Addin xirasho sidii loogu dul qoray kuwii idinka horeeyay ee waxaad mudan tihiin inaad dhowrsataan.


Ujeedaduna waa dhowrsasho iyo inuu qofka noqdo qof la xukumi karo oo laga qaban karo fasahaadka.

Nafta diran ee isla quman markasta maaha mid qabsoonta oo garqaadata,sidaa darteed ayay khatar ugu tahay geeddi socodka Nolosha Aadanaha iyo Cadaaladda iyo Qaanuunka uu daqiiqad kasta ubaahan yahay.


Rabiga ku abuuray ee Ruuxdiisa qiimaha badan kugu afuufay wuxuu kaa mudan yahay inuu ku qaban karo oodan ku madax adaygin.


Haa waa inuu wax ku fari karo waxna kaa reebi karo,ogow waxa uu ku farayo ama kaa reebayo mar kasta waa dantaada wayse dhici kartaa inaysan haddiiba kaa daadagin ood is tiraahdo maxay tahay danta ku jirta gaajayntayda?!!


Danta ku jirta waa inaad noqotaa Qof Nafsadiisa xukumi kara oo Hogaanka hawadiisa iyo shahwadiisa celin kara oo Sharciga u hogaansami kara.


Nafsad la sii daayay oo lagu fasaxay siday jeceshahay iyo shahawaadka qariizada marna ma noqon karto nafsad qiimo badan oo wax yaalaha qaar iskala weynaata,waa wax la soo ogaaday,


Daba socoshada Nafsadda iyo waxa ay jeceshahay hadduusan kontrool jirin Aakhirka waxay ku dambaysaa meel daran,


Sidaa awgeed Nafsad aan la kontarooli karin waa xarig lama sitaan ah oo maaha mid laysku halayn karo,sida aan laysugu halayn karin Gaadiid aan kantarool lahayn.


Ma dhici karto inaad raacdo Gaadiid isaga hogaanka kuu haya,sidaa si la mid ah ayaa haboon inaadan yeelan Nafsad iyada hogaanka kuu haysa oo meel baas kaala dhacda.


Walaal ujeedada Soonku maaha is-gaajaysiin kaliya iyo in Cuntada iyo Cabidda kaliya laga soomo,ee waa in laga soomaa Xumaanta oo idil.


Fariinta uu Soonku gudbinayo ayaa ah in Nafsadda u hogaansatay inay maalmo kooban iyo saacado kooban iska dayso Anfac u xalaal ahaa ayan iska dayn waayi karin Dambi iyo wax u daran.


Nafsadda ixtiraamtay ee tixgalisay amarka uu dul dhigay Rabigii dunidan keenay ee iyadoon su’aal iska weydiin u degdegtay fulinta amar aysan in badan garan karin ujeedada ka dambaysa...ma fulin waynayso awaamir Wanaag iyo Maslaxo ku salaysan iskamana dayn waayi doonto waxyaalo laga reebay oo Dulmi iyo Cadaalad daro ku salaysan.


Inaysan ujeedada Alle ee soonkuna ahayn Cunno iyo Cabid ka soomid kaliya waxaa u daliil ah Xadiis uu Bukhaari soo saaray oo Rasuulka scw ku yiri:


"عن أبي هريرة رضي الله عنه أن النبيَّ صلى الله عليه وسلم قال: ((مَن لم يَدَعْ قول الزُّور والعملَ به والجهلَ، فليس للهِ حاجةٌ أن يَدَعَ طعامه وشرابه))؛ رواه البخاري.


"Qofka aan ka tagin hadalka beenta ah iyo ku camal falkiisa iyo jaahilnimada Ilaahay dan kama lahan inuu iska daayay cuntadiisa iyo cabitaankiisa.


Soonku Waa Af iyo Addin ka xirasho wax kasta oo xun sida Dulmiga,Dagaalka,Xanta,Beenta,Khayaanada, Mukhaadaraadka,Sinada,Tuuganima,Dad isku dirka,Caayda iwm.


Arimahaas oon ahayn kuwo Soonka kaliya xaaraam ah ee ah kuwo mar kasta xaaraam ah,kaliya faa'iidada laga helayo ku toosnaanta arimahan soonka dhexdiisa waa la qabsi iyo tababar muddo kooban Nafta lagu siinayo sidii ay oga maarmi lahayd xumaanta iyo Sharci taraarka,oo ay mar kasta u noqon lahayd mid meel iska dhigtay umuurahaas liita,waayo wixii bil la joogteeyay bilo iyo sanado lama joogteyn waayo.


Waxaa intaa dheer in Soonku leeyahay Faa’iidooyin badan oo Caafimaadka la xariira,in uu sidoo kale leeyahay in uu qofka wax haysta dareemo Xanuunka Gaajada iyo Haraadka oo uu wax ku taarto Noolaha ay dhici karto in uu Maalin kasta la nool yahay Xanuunkaas. Tiiyoo Dambi dhaaf iyo Naxariis badan uu Eebe ku tookhay Bisha barakaysan ee Ramadaan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...