Dopamine Dilemma {Dr-Mohamoud A Mohamoud}

0
Saturday March 16, 2024 - 11:21:37 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dopamine Dilemma {Dr-Mohamoud A Mohamoud}

    Markasta oo aad maskaxdaada bartid waxyaalaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markasta oo aad maskaxdaada bartid waxyaalaha



Adduunka hadda aan ku nool nahay waxaa moodo noqotay in qofku raadiyo qanacsanaan iyo raaxo deg deg ah ama muddo gaaban uu ku helo (Short term pleasure & instant gratification).


In aad joogto u eegtid fariimaha "Social Media" ee kuu soo dhaca si is daba joog ah ama beer-salaaxdid Mobile-kaaga si aad ulasocotid fariimaha aan go'ayn ee FB, Whatsapp, Instigram iwm. ... in aad ku qamaamtid macmacaanka oo aadan iska celin karin iyo cuntooyinka sonkorta leh ... dhammaan waxay kugu bixinayaan in aad qabatintid (Addiction), ugu dambaynta dhaawac gaarsiisa maskaxdaada.



Markasta oo aad maskaxdaada bartid waxyaalaha ay u macaansanayso, way la qabsanaysaa waxaana raadinaysaa in loo sii wado ama la kordhiyo ilaa aad ka gaartid heer aadan joojin karin ... waxaa isbedel ku dhacayaa "Brain Physiology".


"Hormone"-ka loo yaqaan "Dopamine" waxay maskaxdu u adeegsataa fariin-side ahaan ... waxay soo daysaa "hormone"-kan marka maskaxdu hesho wax ay u macaan sanayso ama raaxo ka dareemayso. Haddii la joogteeyo waxyaalahaas waxaa kor u kacaya heer kii soodaynta "hormone"-ka ilaa maskaxdu u fahanto in ay caadi tahay oo macaansigii lumiso.


Qofku wuxuu ku khasbanaan in uu sii kordhiyo isticmaalka waxyaaluhuu horay ugu bogayey ama u macaansanayey si maskaxdo u kordhido soo daynta dheecaankan. Markasta oo lasii joogteeyo, maskaxdu way la qabsan ilaa laga gaaro waxa loo yaqaan "Addiction" oo ah in qofka kantaroolka ka lumo, dhawwac maskaxeedna soo gaaro.


Hadduu qofku waayo waxyaaluhuu isticmaalayey ee maskaxdu u bogsanayn waxaa ku dhacaya in heerka dheecaanka "Dopamine" aad hoos ugu dhoco, qofkuna xamili kari waayo ... "Withdrawal symptoms".


Dabcan, waa loo baahan yahay qofku in uu cuno macmacaan ama jeegareeyo fariimihiisa muhiimka ah, ama dareemo nasasho iyo bogasho maskaxeed. Waxaase muhiim ah in aan u bogidda dhow (Instant pleasure) aysan saamayn ku yeelan raaxdaada iyo caafimaadka maskaxdaada muddada fog (Long term gratification).


Waxaad u sooman tahay oo cubtada isaga daynsay si aad gadaal uga raaxaysato, ama ciqaab uga badbaadid.

Dr-Mohamoud A Mohamoud

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...