Maxay Tahay Dacwada Somaliland Horgeynayso Maxkamada Adduunka?

0
Saturday March 16, 2024 - 09:50:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1999
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 8
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Dacwada Somaliland Horgeynayso Maxkamada Adduunka?

    "Wasiirka ayaa sheegay in sharci yaqaanada caalamiga ahi ay dhammeeyeen ..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wasiirka ayaa sheegay in sharci yaqaanada caalamiga ahi ay dhammeeyeen ..."


Baariis (HWN) Xukuumadda Somaliland ayaa Maxkamadda Adduunka horgaynaysa dacwad sharci oo la xidhiidha Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo in muddo ah halgan ugu jirtay sidii ay u heli lahayd.



Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo ku sugan dalka Faransiiska  ayaa sheegay in ay ka Xukuumadd ahaan ay qabsadeen Sharci yaqaano caalami ah kuwaasi oo maxkamadda adduunka horteeda ka difaaci doona dooda sharci ee qadiyada Ictiraafka Somaliland iyo sidii uu dalkani aduun waynaha uga heli lahaa aqoonsi buuxa.


Wasiirka ayaa sheegay in sharci yaqaanada caalamiga ahi ay dhammeeyeen dooda sharci ee Somaliland isla markaasina ay horgayn doonaa maxkamadda Aduunka iyo meel kasta oo looga baahdo.


Wariiska oo ka hadlay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegay inuu faa’iido wayn u leeyahay Somaliland, kaasi oo uu sheegay inuu dooda sharci ee Somaliland kaabis u noqonayo kana turjumayo dooda siyaasadeed ee Somaliland.

Loading...
Loading...