Wasiir Iska Casilay Xukuumada Muuse Oo Shir Laqaatay Xisbiga Waddani.

0
Saturday March 16, 2024 - 09:34:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Iska Casilay Xukuumada Muuse Oo Shir Laqaatay Xisbiga Waddani.

    "Labadan siyaasi oo la sheegay in Odayaal Dhaqameed la socdeen iyo musharrax Waddani ..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Labadan siyaasi oo la sheegay in Odayaal Dhaqameed la socdeen iyo musharrax Waddani ..."


Hargaysa (HWN) Ex. Wasiir Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo hore iskaga casilay wasaarada Gaashaandhigga Somaliland oo uu wehelinayo wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye ayaa kulan xalay la qaatay musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo ay wehelinayaan masuuliyiin ka socda xisbigiisa.



Labadan siyaasi oo la sheegay in Odayaal Dhaqameed la socdeen iyo musharrax Waddani ayaa ka wadahadlay sidii ay taageeradooda ugu biirin lahaayeen Waddani.


Labadan siyaasi oo ka soo jeeda gobollada Salel iyo Awdal ayaa hore uga mid ahaa Kulmiye balse hadda waxa ay u muuqdaan in dhinaca Waddani ay galayaan.


Labadan siyaasi  gaar ahaana wasiirka Gaashanshigga ee dhawaan iscasilay ayaa xidhiidh dhow la leh madaxweynaha Jabbuuti arrintan oo u muuqata in Waddan iyo Jabbuuti isu soo dhawaanayaan.


Tani ayaana muujinaysa in Muuse Biixi uu heshiiska badda ee uu lagalay Itoobiya uu ku waayay saaxiibkiisii inta badan ay soo wada socdeen ee ahaa Ismaaciil Cumar Geele.
Loading...
Loading...