Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Saaray Awaamiir Culus Oo Shacabka Saamaynaya
Muqdisho(HWN):-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna
duqa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar
Cismaan(Yariisow) ayaa amar ku bixiyey in laga guuro xaruntii ciidamada badda
ee soomaaliya.
Duqa muqdisho oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sidoo kale amray dadka shacabka ah ee degan guriga taliyihii ciidamada badda soomaaliya ee ku agyaala xeradaasi ay si deg deg ah uga guuraan, isaga oo xusay in baahi loo qabo oo keentay in dadkaasi laga raro.
Gudoomiye Yariisow oo faah faahinaya amarka uu soo saaray ayaa waxa uu yidhi "Waxaan ogaysiinayaa cid kasta oo ay khusayso in xaruntii ciidamada bada iyo gurigii taliyaha ciidanka bada ay dawladu go’aansatay inay ka dhigto xarumo dublamaasi oo la dajiyo safaaradaha, dhulkaasi markii hore waxa uu ahaa mid dawladeed waxaana amarkan nagu kalifaya anaga oo doonayna in Muqdisho ay noqoto mid la tartanta caasimadaha aduunka.”
Sidoo kale waxa uu sheegay in dawladu ay la noqotay sharciyadii ay dadku u haysteen xeradii iyo gurigii taliyaha ciidamada bada "waxaan cadaynayaa in lala noqday xogtii ay dadku u haysteen maadaama oo uu markii hore ahaa dhul dawladeed.”
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in talaabo laga qaadi doono cid kasta oo jabisa ama ka hortimaada amarka ka soo baxay dawlada.