20 qof Oo Dhintay Markii Ay La Dagtay Doontii Ay La Socdeen

0
Saturday March 16, 2024 - 09:13:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    20 qof Oo Dhintay Markii Ay La Dagtay Doontii Ay La Socdeen

    "Wuxuu sheegay in afar qof la soo badbaadiyay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wuxuu sheegay in afar qof la soo badbaadiyay"


Madaxda dalka Turkiga ayaa shegay in ugu yaraan 20 qof la ogyahay in ay dhinteen markii doon siday muhaajiriin ay ku degtay waqooyi galbeedka xeebaha dalka.



Guddoomiyaha magaalada Çanakkale ayaa sheegay in afar ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen carruur. Wuxuu sheegay in afar qof la soo badbaadiyay welina baadigoob uu socdo.


Waxaa la sheegay howlaha baadi goobka in ay ka qeybqaadanayeen diyaarad, labo helikobtor iyo 18 doon oo ay wateen ilaalada xeebaha iyo kooxaha kale ee samatabixinta iyo sidoo kale 502 qof.


Lama oga tirada saarneyd doonta yar ee cinjirka ka sameysneyd oo 13 kilomiteri gudaha badda u gashay.


Horaantii toddobaadkaan waxaa jiray doon kale oo ka soo baxday Libya oo ay ku dhinteen lixdan qof kaddib markii ay dhuntay iyadoo dadku haysan cunto iyo biyo


BBC
Loading...
Loading...