Ex. Madaxwayne Cabdi Iilay Oo Xabsiga Laga Siidaayay.

0
Friday March 15, 2024 - 10:20:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex. Madaxwayne Cabdi Iilay Oo Xabsiga Laga Siidaayay.

    "dadkaas waxaa ka mid ah Raxma Haybe oo xubin sare ka ahayd maamulkii Cabdi "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"dadkaas waxaa ka mid ah Raxma Haybe oo xubin sare ka ahayd maamulkii Cabdi "


Hargaysa (HWN) Madaxweynahii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga sii daayay xabsi ku yaala magalaada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ku xidhnaa tan iyo bishii August sanadkii 2018-kii, sida VOA-da ay u xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa oo ku sugan Addis Ababa.



Cabdi Iley ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii xukunka dalkaas uu la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.


 Qareenka Cabdi Iilay ayaa warbaahinta usheegay sidan .

"Waxa aan xaqiijin karo ayaa ah in Cabdi lagasii daayay xabsiga galabta oo khamiis ah ayaa laga sii daayey, balse ma aana maqal wax codsi ah oo xeer ilaalinta uu u jeediyay,” ayuu qareenkii Cabdi Iley oo warbaahinta xogtaan siiyey.


Dad kale oo la xiraa Cabdi Iley, markii horana ka tirsanaa xukuumadiisa ayaa sidoo kale xabsiga Addis Ababa laga sii daayey maanta, dadkaas waxaa ka mid ah Raxma Haybe oo xubin sare ka ahayd maamulkii Cabdi Iley.
Loading...
Loading...