Xanuunka iyo Caafimaadkuba waa mid Eebbe gacantiisa ku jira.

0
Thursday March 14, 2024 - 16:29:09 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xanuunka iyo Caafimaadkuba waa mid Eebbe gacantiisa ku jira.

    Dunida Qofka dadka ugu wanaagsan ayaa imtixaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dunida Qofka dadka ugu wanaagsan ayaa imtixaanka

Curadii Qoyskayga Faadumo jaamac oon muddo Afar bil ah aan ku hayay Hindiya uuna haleelay xanuunka Cancerka ayaa Dhakhaatiirtu noo sheegeen in aysan suura gal ahayn in wax laga qabto Xanuunkeeda oona dalkii dib loogu celiyo Halkaasna la’iskaga hayo, Xanuunka iyo Caafimaadka Allah SWT ayay gacantiisa ku jiraan ibna’aadamku Dadaal iyo la tacaalid ayay hayaan kaliya taasina agtooda waa ay ka quusteen, Balse waxaanan ka quusanayn Baryada Allah SWT isaga awooda in uu ka sara qaadee.



Waxaan Qirayaa Markhaatina ka ahay Maanta iyo Maalinta aakhiraba in Walaashay faadumo aanan indho saarin iyada oo Dacwo laga yahay ama dad dhibaysa tan iyo intaan garaadaasaday Waxay ahayd hooyaday Intayada badan Qoyskayga na korisay dhabteedana aan ku barbaarnay.

Dunida Qofka dadka ugu wanaagsan ayaa imtixaanka nolosha mara dhib walbana la kulma Sabarkiisa iyo inta uu alle u isii dhowaadana lagu ogaadaa, illahow waan kugu Sabir sanahay wax walba ood nasiiso inta aan dunida guudkeeda saaranahay Mar walbana baryayadaada maahan mid aan ka quusanayno.

Tobanki hore ee Bisha Barkaysan ayaaynu ku jirnaa Allah SWT waxaan uga baryayna in uu walaashaya noo siiyo Caafimaad aan xanuun ka danbayn una ka sara qaado xanuunka haya.


W/Q: Wariye Mohamed Jaama Mohamud oo ay walaashiis Tahay, Waa Bil Ramadaane uduceeya walaasheen Faaduma.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...