Khilaafaadka Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Khataraha Dahsoon ee Dul Hoganaya.

0
Wednesday March 13, 2024 - 11:54:49 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1156
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Khilaafaadka Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Khataraha Dahsoon ee Dul Hoganaya.

    Ramadaan Kareem dhammaan ehel iyo Asaxba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ramadaan Kareem dhammaan ehel iyo Asaxba.



Saxeexa madaxweynaha qaranka JSL Somaliland uu saxeexay dhaqan-galka qabsoomida doorashada madaxtooyada iyo tan ururrada siyaasada Somaliland waa guul taariikhi ah. Haddaba iyada oo taasi jirto waxaa aan qarsoonayn khilaaf u dhaxeeya komishanka doorashooyinka qaranka oo soo jiitamayay muddo ku siman sannad. 



Su’aashu is waydiinta mudan waxa ay tahay! maxaa Sababay khilaafka ragaadiyay shaqadii komishanka iyo hawlihii diyaar garowga doorashooyinka soo socda oo ah doorashooyin xasaasi ah, una baahan taxadar iyo diyaar garow hufan oo suura galiya qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah?


Sida dadka u dhuun daloola ka war qabaan, komishankan khilafaadkooda waxaa saldhig u ah, in uu yahay komishan baal marsan nidaamka u jideeyay xeerka soo xulusta xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka. Xubnahani oo ah dhamaantood xubno aan buuxin shuruudihii hab xulusta xubinimadda komishanka doorashooyinka qaranka marka laga reebo xubinta xisbiga UCID iyo xubinta haweenka ah ee ay soo xulleen Gollaha guurtida ee JSL Somaliland. Balse 5 ta xubnood ee kale waa xubno siyaasiyiin dowladeed iyo kuwa xisbi yahano ah oo dhamaantood xilal dowladeed soo qabtay, soo xulistooduna waxa ay ahayd xaaraan aan waafaqsaneyn dhammaan shuruucda iyo qawaaniinta u taal dalka, khilaafaadkooduna waxa uu ka soo unkamay nidaamka soo xulistooda. Somaalidu waxa ay ku maah maahdaa "Hal xaaran ah, Nirig xalaal ah ma dhasho”


Sii joogista guddigani waxay runtii keeni kartaa khataro badan oo hadda dahsoon, sida in ay meesha ka baxdo dhexdhexaadnimadii iyo kalsoonida ah in ay innoo qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah.


Xaaladdan ayaa laga yaabaa inay ay inoo horseeddo eedaymo eex, muran, ama rabshado waa weyn oo dalka oo dhan ku faafa, haddaan si taxaddar leh wax looga qaban. Halkan waxaa ah falanqaynta dhibaatooyinka iman kara iyo xalkooda:


Waxaa Dhici Kara:


: Eex iyo boob : Joogitaanka xubnahan komishanka ah waxay keeni karaan eex iyo qabyaalad ay u xaglinayaan tartamayaasha mid ka mid ah ama dano siyaasadeed oo gaar ah.


 : Khilaafka Joogto ah: Xubnahani oo dhamaantood xidhiidho la leh tartamayaasha doorashada madaxtooyada Somaliland, ayaa sababi kara in dhaxdoodu khilaaf ka dhammaan waayo sida hada dhaxdooda ka jirta.


 : Kalsooni la’aan: Ku lug lahaanshaha siyaasada iyo kala taageerida tartamayaasha oo lumin karta kalsoonida ay shacabku ku qabaan madax-bannaanida iyo dhexdhexaadnimada guddiga doorashada, taasoo wiiqi karta kalsoonida lagu qabay hannaanka doorashada ee komishankani.


Ugu danbeyn Waxaa muhiim ah in xooga la saaro ka hortagida khilaafaadka ay keeni karto dhexdhexaadnimada iyo kalsoonida guddiga doorashada iyo kor u qaadida kalsoonida lagu qabo doorashada madaxtooyada ee soo socota. Waxa lama huraan ah in mudnaanta la siiyo daahfurnaanta, isla xisaabtanka, iyo ka-wada-qaybgalka geeddi-socodka doorashada si loo hubiyo in natiijada ka soo baxa ay ka turjunto rabitaanka shacabka, iyo mid gacanna ka geysato xasilloonida iyo dimuqraadiyadda Somaliland.


Waxaa Lagaga badbaadi karaa ama xalku uu yahay:


• In Gollaha wakiiladu deg-deg dib-u-eegis ugu sameeyaan hawl-maalmeedka guddiga doorashooyinka iyo khilaaafaadka dhexdooda ah.


• In saamilayda siyaasada iyo daneeyayaasha doorashooyinka JSL ay u istaagaan wax-ka-qabashada khilaafka ka taagan gudaha KDQ inta ay goori goor tahay, si looga badbaado hubanti la’aan dalku galo xilliga doorashada loo madlan yahay.


• In xisbiga Waddani soo magacaabo xubin kale si looga baaqsado wakhti lumis sababi kara marmarsiiyo guddidani anay doorasho u qaban.


• In la sameeyo guddi ka socota bulshadda rayidka ah oo dhex-dhexaad ah iyo guddi ka socota beesha caalamka ee arrimaha dimoqraadiyada ka taageera JSL, si ay kaabis ugu noqdaan guddida doorashooyinka ee aan lahayn karti iyo midnimo ay ku qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah, dalkuna uga baaqsado xaalad qalalaase.


• In ganacsatada iyo salaadiinta dhaqanku ay sameeyaan guddiyo la socda xaalada guud ee doorashooyinka, si dalka looga baajiyo muran doorasho oo dhiig ku daato.


Tusaale guud iyo Dhacdooyin ay sababeen in la isku dilo doorasho.


Tusaale waxaa inoogu fillan daahfurnaan la’aan iyo boob doorashooyin, oo sabaaby in dhiig ku daato, masuuliyadeedanna uu lahaa komishanka ka beydhay nidaamkii garsoor ee cadaalada iyo dhaxdhaxaadnimada ku dhisnaa. Wadamadaasi oo tusale nool u ah dhamaan shacbi weynaha Somaliland. Wadamadaas waxa ka mid ah:


1. Kenya (2007): Kadib doorashooyinkii madaxtinimo ee lagu murmay bishii December 2007, Kenya waxaa ka dhacay rabshado baahsan oo sababay dhimashada in ka badan 1,000 qof iyo barakaca boqolaal kun oo qof. Rabshadaha ayaa ka dhashay eedeymo la xidhiidha wax-is-daba marin dhanka doorashadda ah.


2. Ivory Coast (2010-2011): Doorashadii madaxtinimo ee Ivory Coast 2010 ayaa horseeday qalalaase siyaasadeed oo daba dheeraaday iyo iskahorimaad hubaysan ka dib markii madaxweynaha talada haya ee Laurent Gbagbo uu diiday inuu qirto in uu ka adkaaday musharaxa mucaaradka Alassane Ouattara. Qalalaasahan ayaa sababay dhimashada boqolaal qof iyo barakac baahsan ka hor inta uusan Ouattara aakhirkii qaban xafiiska.


3. Nigeria (2011): Doorashadii madaxtinimo ee sanadkii 2011 ka dhacday dalka Nigeria ayaa waxaa hadheeyay rabshado, gaar ahaan waqooyiga dalkaasi, halkaasi oo boqolaal qof ay ku dhinteen rabshadihii doorashada kadib.Rabshadahan ayaa waxaa ka dhashay eedeymo la xidhiidha wax isdaba marin iyo wax isdaba marin doorasho.


4. Zimbabwe (2008): Doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday dalka Zimbabwe 2008dii waxa barbar socday rabshado iyo cagajugleyn baahsan, gaar ahaan kuwa lagu bar tilmaameedsaday taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Dhaqdhaqaaqa Isbedelka Dimuqraadiyada (MDC). Rabshadaha ayaa sababay dhimasho badan waxayna horseedeen qalalaase siyaasadeed oo daba dheeraaday.


5. Haiti (2010): Doorashadii madaxtinimo ee Haiti ee 2010 waxaa hadheeyay eedeymo musuqmaasuq iyo wax isdaba marin, taasoo keentay mudaaharaadyo iyo rabshado ka dhashay codbixinta. Doorashadu waxay qayb ka qaadatay xasillooni darrada siyaasadeed ee dalka ka jirta, waxayna walaac ka muujisay kalsoonida lagu qabo hannaanka doorashada.


Tusaalooyinkan ayaa laga yaabaa in ay Somaliland cashar ka barato, haddana waxa ay hoosta ka xarriiqayaan muhiimadda ay leedahay in xal laga gaadho khilaafaadka Guddida doorashooyin iyo xasaradaha ka dhalan kara, iyada oo loo marayo nidaam wada hadal, hufnaan, iyo ixtiraamka mabaadi’da dimuqraadiga ah.


Waxana muhiim ah in dhammaan daneeyayaasha Somaliland ay iska kaashadaan sidii doorashada soo socota ee madaxtooyadu ugu qabsoomi lahayd si nabad ah, daah-furan, oo lagu kalsoonaan karo, si looga fogaado khatarta rabshado ama xasilooni darro. 

Barashada waayo-aragnimada dalalka kale waxa ay inna siin kartaa fikrado qiimo leh oo ku saabsan istaraatiijiyado wax ku ool ah oo lagu maareeyo caqabadaha doorashada iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Somaliland.


Qalinkii Siyaasi Adam Daud Ahmed.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...