4 Buug Aad Akhrin Karto Bisha Ramadan

0
Monday March 11, 2024 - 10:53:29 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 837
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    4 Buug Aad Akhrin Karto Bisha Ramadan

    Buugan waa mid runtii loo qoray si qurux badan ereyo cudoon..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buugan waa mid runtii loo qoray si qurux badan ereyo cudoon..



Sida aan wada ogsoonahay bishan barakaysan ee Ramadan waa mid ka mid ah Bilaha Xurmada leh ee uu Allaah ka doortey Bilaha kale ee Sanadka waxaana jira Cibaadooyin aad ubadan oo la sameeyo Bishan oo ugu weynyahay Soonka Bishan , Salaadaha Sunayaasha ah sida Taraawiixda iyo Tahajudka , Akhrinta Quraanka. Iwm



Marka laga yimaado intaas oo ah cibaadooyinka ugu waaweyn ee ay tahay inaad Samayso inta lagu guda jiro Bishan waxaa sidoo kale jira waxyaabo kale oo loo baahanyahay inaad samayso oo iimaankaaga ku cusboonaysiiso adigoo ka faa'ideysanaya cibaadooyinka badan ee Bishan la suneeyay Shaydaamada la xidhay oo ah fursad weyn oo aad wax badan kaga badali kartid heerkaaga cibaado kuna xoojin karto xudhiidhka idinka dhexeeya adiga iyo RABIGAA hadhowna kuu noqonaya caado aad joogteyso sida akhrinta buugaagta ka hadlaya dhisida cilaaqaadka wanaagsan ee rabigaa kaala dhexeeya iyo Maxaadirooyinka ka hadlaya mawduucaas.


Haddaba waxaan rabaa inaan halkan kugu la wadaago 4 buug oo waxeyn ka badalaya xidhiidhka adiga iyo rabigaa aad u fudud oo macaan hadii aad bilowdona aadan joojin karayn marna bishana aad uga faa'ideysan karto.


1. DHMABAALADA QURAANKA : Dhiganahan oo ah mid uu si cajiiba u sadareeyay qoraaga caanka ah ee Ad'ham Sharqaawi ayaa ah mid aadan marnaba ka cajiisayn dhuuxida ereyada Nuxurka leh ee isugu jira Waxyiga , Axaadiithta iyo odhaahyada kala duwan ee Culimada iyo aqoonyahanka ee hadba mawduuca uu ka hadlayoku saabsan , buugani maaha mid tafsiir quraan ah laakiin waa mid qaab cajiib ah u dul istaagaya hadba aayad ka mid ah aayadaha quraanka isla markaasina si qotodheer u falanqaynaya nuxurka aayada isaga ku ladhalaya aaxaadiis Odhaahyada culimada iyo wixii aqoon maadi ah ee l axiriirta mawduucaas runtii buugaas waa buug cajiib ah


2. SALAAD BAA IDHAAFTAY : Buugga salaad baa idhaaftey waxaa laga soo hal tabiyey ama laga soo turjumaey buugga carabiga ku qoran ee (فاتتنى الصلاة) wuxuu ka koobanyahey nuqulkiisa carabigu 208 bog buugga waxaa qoray Islam Gamal - إسلام جمال


Afsoomaali waxaa usoo turjumey Cabdixakiin Maxamed Obsiiye


Buugan waa mid runtii loo qoray si qurux badan ereyo cudoon, iyo hab toolmoon xiisaha aad ku bilowdo ayaad ku dhamaynesa marnabana kuma caajisaysid dhiganahan waxaa loo turjumey ilaa 15 luqadood


Buugan wuxuu ku saleysanyahay oo sees u ah laba qodob oo ah kasmo nafeedka ama cilmu nafsiga iyo diinta ayuu isku xirayaa wuxuuna mataaneynayaa cibaadada iyo nolosha


Habka uu salaadda uga hadlayaa maaha habkii aynu naqaaney ee gabi ahaan culimada islaamku uga hadli jirtey


Si jaangooyo ah buu uga hadlayaa, su'aalo door ah buu iswaydiinayaa , qisooyin dhawr ahna wuusoo qaadanayaa .


Waxaa xusid mudan in uu turjumuhu buugga kusoo koobay ilaa 154 bog isaga oo aan ka tagin farriintii buugu xambaarsanaa


Waxaana hubaa hadaad akhriso buugan inay salaadaadu noqoneyso mid dhadhan leh.


3. 10 MAGAC SOCDAALKA SAMADA TODDOBAAD : runtii dhiganahan asna waa mid cajaaibtiisa wata oo aadan marna ka dhargayn kuna fiican inaad so dhug leh ugu fiirsato una dhuuxdo markii aad Akhriyayso , waxa uu si joogto ah kuu xasuusinaya baahida aad markasta u qabto baryada iyo u dhowaanshaha rabigaa , waana ku saameynayaa si aad ah runtii asagoo ku barayaa inaad ku khushuucda salaadaada gacmahana uu taagato boqorkaaga markasta


Kaa sina waa buuga sadexaad ee aan kugula talin lahaa inaad akhriso Bishaan hadaad waqti u heli karto.


4. ERGEY : Buggu waxa uu ka warramaya siiradii iyo soyaalkii subanaheena muxamed (scw) Waxa uuna mid mid u dulsitaagayaa dhacdooyinkii wayihii rasulka scw intu noola iyo ka hor intaan la soo saarin siduu ahaa caalamku iyo waliba muqaalkii guud ee wakhtigaas jasiiradda carbeed lahayd. Dhaqanadoodii iyo aaminadahoodi. Waa aan kula talin lahaa ruux walba oo dhallinyaro ah inuu siiradii subanaheena barto walow aad kan ka biloowdid ba eh, waxa uuna ku noqonaya biloow qurux badan oo kugu ridaya jidka weyn.


Insha allaah 4 buug ayaan idin la jeclaystay hadii mid ka mid ah aad heli karto aad na tahay qof akhriska jecel inaad xataa hadii aadan dadka wax akhriya ma mid ahayn waa aad ku bilaabi kartaa oo kuwa aad u fud-fudud una sahlan.

Mahadsanid walaal

Idris Sahal

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...