Ma waxaan, neceb nahay dad aan ina garanayn ama aan ina ogayn, mise inagaa dadka ka gardaran oo hadana moodaya inaan qumanahay?
Magalaada da' yarta ku nool markaad u fiirsatid waxaad dareemi karaysaa inaay kamid yihiin kuwo dad aan xaajo ka lahaayn iska neceb. Ma macquul baa mise anaa khaldan? Bal ila dhamaayso qormadan. Madaama aad dhamaantiin wada culimo ubadan tihiin waad ogtihiin diintu ina amartay inaan xiriirino kuwa ina gooya. Inaan cafino kuwa inagu gefa. Inaan salaanta kala hormaro qofka aan isku dhacno. Sidee buu xaalku noqonayo qof muslim ah hadaad iska nacdidi? Aad xaasid ku noqotid? Dabin u dhigtid? Ama aad dhagar u qoolaysid?
~ Dadka waxaa kamida qof aan saxiibo lahayn. Marwalba kaligii socda. Aan hadal badnayn. Aan ka helin meelaha dadku ku badan yihiin. Hawlahiisa muhiimka ah uun ku mashquulsan marka uu wakhti firaaqo ah helana ku bixiya wakhtiigisa waxyaabo isaga anfacaya sida akhriska, jimicsiga, dalxiiska iwm. Qofkaas oo kale dhalinta magaladu waxaay u yaqaanaan qof kibirsan, dadka iskala wayn oo ka faanaya dhexgalka bulshada balse xaqiiqadu taas ma aha. Waxaa ficaan qofka inaadan xukumin ilaa aad si wacan uga baranaysid si aad uga fogaatid dulmiga. Mida kale qofku soo xor ma aha? Soo kalinimo ma dooran karo? Soo ma amausi karo? Maxaa kaaga jiro adi? Yaa kugu yidhi umada illahay ku mashquul? Maxayse tahay faidada kaa soo galaysa qof aanad caadi u baran ood wax uusan ahayn ku sheegtay?
~ Waxaa jira dad ka hela labiska, xaragada, isqurxinta, udgoonka iyo iscarfinta. Kuwa noocaas ah, dhalintu waxaay ugu yeeraan is tusnimo. Oo waayo? Ma adaa ugaday dharka? Ma adaa siiyay lacagta uu isku qurxiyay? Maxay tahay istusnimada aad ka hadlaaysaayi? waa sidee? Ma qof labistay oo dookhiisa ku labistay ayaa kaa baxsan la' hadeerto? Ma qof lacagtiisu isticmaalay oo isku qurxiyay, kuna xaragoonaya ayaad xumaan uradinaysa? Miyaadan ogayn inuu alle qurxoon yahay waxyaabaha quruxda badana uu jecel yahay xaragada iyo is carfintuna aay tahay sune? Sokii nabigu scw yiri walalkaaga muslima ka ah u cudur daar, xitaa haduu khaldan yahay?
~ Qayb kale oo dadka ah, oo waxaa jira kaftan badan, sheeko badan, hadal badan, asxaab badan, baxbax badan. Kuwaasna waxaay ku dhahaan maba amusaysaan, dadka ka aamusa. Waad hadashaan uun marwalba, maxaa idinka khaldan.
~ Dadka sadex baa loo qaybiyaa marka laga hadlayo garashadooda.
B) Dadka badankoodu waa wax magarato:- Markaan oranayo dadku waa wax magarato kama dhigna inaay bilaa caqli yihiin. Kama dhigna inaay doqomo yihiin lakiin fekerkooda iyo caqligoodu kaliya maba dhaafsiisna bahidooda iyo ku mashquulka dadka kale. Dadkan waxaa lagu gartaa markasta dadka kale ayaay eedeeyaan. Waay dulmi badan yihiin. Waay falaadxumo badan yihiin. Qanaacadooda ayaa aad uyar. Waa xaasidiin. Waxba dadka kale uma quuraan. Waay kuu sheekayn hayaan kadibna waay kaa shekayn hayaan. Iyagu dabcan waa dad u ekayaal qaneecaad daran oo dhaqan dugaag leh. Ma caqligooda liita ayaa u sabab ah dhaqan kan. Ma cilmigii aay barteen iyo caqligii ayaay sidii loo baahnaa u adeegsan waayeen. Ma balwadaha iyo nolosha ayaa saamaysay oo daw ka riday. Eebe ayaa sida saxda ah u garanaya waxa ku kalifay maadama uu isagu abuurtay iyaga. Yahayna arsaaqahooda, ilaaliyahooda, rabiga ka wakiilka ah ee aakhiro la xisaabtami doona iyaga.
T) Dadka qaybta dhexe waakuwo caligoodu sareeyo:- Kolka aan odhan haayno cuquushooda ayaa saraysa kama wadno dadka iyaga ayaa ugu caqli badan. Kama wadno iyagaa ugu garasho badan. Ee waxaan ula jeednaa waa dad maskaxdoodu u shaqaaynayso qaab ka sareeya kuwii aan kor kusoo xusnay. Dadkan iyaga ah waxaa laga yabaa inaaysan qof bini-adam ah ku mashquulin amase aaysan bahidooda uun ka fekerine aay dadka kalana saamayn ku yeeshaan.
Waxaa lagu gartaa dadkan inaay yihiin kuwo gacan furan oo deeqsinimo u saaxiiba. Kuwo nabada jecel. Waa dad durba wax fahmaya oo aay adag tahay inla dago ama dabin loo dhigo. Iskama dhigaan waxaaysan ahaayn iyagu waxaayna u arkaan ceeb iyo sharaf dhac arintaas.
Beenta ma jeclo. Balanta kama baxaan. Ma jeclo laba wajiilanimada. Waxaayna jecel yihiin hadalka cad ee marwalba dantu kujirto.
J) Dadka nocaan ah ee heerka sadexaad ku jiraa waa kuwo aad utiro yar, jeerka loo fiiriyo qaybihii hore ee aaynu kasoo hadalay. Iyagu waa cabqariyiin, faylasuufyo. Waxaa lagaa yaabaa xitaa kooda aan waxba baranin ee aan xitaa dugsi sare ka bixin inuu ka maskax bato kuwa PhD ga sita. Waxaay leyihin awood maskaxeed oo inaga madax banaan. Waxyaabaha lagu garto ayaa ah inaad aragtid iyaga oo aan qofna iska waynaysiinaynin. Qofna ma eedeeyaan. Lama qiyaasi karo dabeecadahooga oo waa kuwo marwalba halka aay joogan ku dhex milma. Waxaay jecel yihiin nolosha iska noormaalka ah ee caadiga ah. Kama helaan iska dhaadhicinta basharka iyo in loo aqoonsado inaay yihiin dad muhiim ah. Marwalba waxaad arkaysa iyagoo kaligood duulaya, oo saxibo badan malaha. Bulshaawi waay yihiin oo dadka oo dhan waa la heshiis waloow aay hadana kaligood uun socdaan xili walba.
~ Ugu dambaayn dadku waa sida xaabo habeen la guraye, qofwalba dabeecadiisa kula soco adigoo u cudur daaraya iyaga.
Nour Ibroz
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!