Islaamka Iyo Cuntada Ahlul Kitaabka.

0
Sunday March 10, 2024 - 11:31:34 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 782
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Islaamka Iyo Cuntada Ahlul Kitaabka.

    Waxay yiraahdaan Aayadan oo ka mid ah Aayadihii...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay yiraahdaan Aayadan oo ka mid ah Aayadihii...



Culimada Qabta in Cuntada Ahlul kitaabka oo uu Hilibkuna ku jiro ay Xalaal tahay waxay daliishadaan waxaaUgu weyn Aayada Quraanka ee ku jirta Suuratul Maa’idah.


"وَطَعَامُ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ حِلٌّ لَكُمْ وَطَعَامُكُمْ حِلٌّ لَهُمْ [المائدة:5]."

"Cuntada Ahlul kitaabka waa idiin Xalaal,Cuntadiinuna iyagu waa u Xalaal”.



Waxay yiraahdaan Aayadan oo ka mid ah Aayadihii ugu dambeeyay ee soo dagay waxay Nasakhday oo meesha ka Saartay xukunka Nusuus kasta oo ku soo aroortay ama laga fahmayay wax Xarimaya wixii ay Cunto ahaan u qashaan Ahlul kitaabka xitaa haddii aysan bisinka u qaban ama u qabtaan.


"وَقَالَ ابْنُ أَبِي حَاتِمٍ: قُرِئَ عَلَى الْعَبَّاسِ بْنِ الْوَلِيدِ بْنِ مَزِيدٍ: حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ شُعَيْبٍ: أَخْبَرَنِي النُّعْمَانُ -يَعْنِي ابْنَ الْمُنْذِرِ- عَنْ مَكْحُولٍ قَالَ: أَنْزَلَ اللَّهُ فِي الْقُرْآنِ: وَلَا تَأْكُلُوا مِمَّا لَمْ يُذْكَرِ اسْمُ اللَّهِ عَلَيْهِ، ثُمَّ نَسَخَهَا الرَّبُّ وَرَحِمَ الْمُسْلِمِينَ فَقَالَ: الْيَوْمَ أُحِلَّ لَكُمُ الطَّيِّبَاتُ وَطَعَامُ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ حِلٌّ لَكُمْ [المائدة:5]، فَنَسَخَهَا بِذَلِكَ، وَأَحَلَّ طَعَامَ أَهْلِ الْكِتَابِ.


Abii Xaatim wuxuu yiri:-Cabaas bin Waliid Binu Maziid waxaa laga wariyay in uu yiri:-waxaa noo sheekeeyay Muxamad Binu Shucayb oo wuxuu yiri:-Ibnu Mundir wuxuu ii sheegay isaga oo Makxuul soo xiganaya:-Ilaahay wuxuu soo dajiyay Aayadda tiraahda (ha cunina waxaan magaca Eebe lagu Gowricin),ka dibna Rabi waa Nasakhay oo wuxuu soo dajiyay Aayada oranaysa:-(Maanta waxaa laydiin xalaaleeyay waxyaalaha wanaagsan,Cuntada Ahlul kitaabka Xalaal bay idiin tahay Cuntadiinuna waa u Xalaal iyaga) halkaasu Eebe ku Nasakhay wixii hore oo uu Cuntada Ahlul Kitaabka Muslimiinta ugu Xalaaleeyay.


Sheekh Ibnu Baaz oo kol su’aal laga weydiiyay arimahan ka jawaabayay wuxuu yiri:-

"وهكذا ذبيحة أهل الكتاب وإن لم يُسمّوا ذبيحتهم حلٌّ لنا؛ لأنَّ الله أباح طعامَهم لنا، سمّوا أو لم يُسمّوا، لا نسأل إلا إذا علمنا أنها وقعت على غير الوجه الشَّرعي كالخنق والصَّعْق، وإلا فالأصل الحلّ، فذبيحة المسلم وذبيحة أهل الكتاب حلٌّ لنا،


"Waxa ay Gowracaan Ahlul Kitaabku waa inoo Xalaal,waayo Alle ayaa noo baneeyay,ama Bisin ha u qabteen ama yeysan u qaban,mana baarbaarayno,illaa in aan ogaano mooyee in ay neefka u dilaan si aan sax ahayn sida in ay ceejiyaan ama ay haadaan ka soo tuuraan iwm,hadiise aynaan wax ka ogayn sida asalka ah waa Xalaal.


Waxay kale oo yiraahdeen Culimada Ra’yigaan qabta,waxa Eebe naga Xarimay laguma darin waxa ay Gaalada Ahlul Kitaabka ahi Cunto ahaan u Qashaan,waayo Eebe wuxuu yiri:-

"قُل لَّا أَجِدُ فِي مَا أُوحِيَ إِلَيَّ مُحَرَّمًا عَلَىٰ طَاعِمٍ يَطْعَمُهُ إِلَّا أَن يَكُونَ مَيْتَةً أَوْ دَمًا مَّسْفُوحًا أَوْ لَحْمَ خِنزِيرٍ فَإِنَّهُ رِجْسٌ أَوْ فِسْقًا أُهِلَّ لِغَيْرِ اللَّهِ بِهِ ۚ فَمَنِ اضْطُرَّ غَيْرَ بَاغٍ وَلَا عَادٍ فَإِنَّ رَبَّكَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ (145)


"Waxaad ku tiraahdaa kama helayo wixii la ii waxyooday wax Xaaraan ka dhigaya Cunto la quuto illaa in uu yahay mooyee Bakhti ama Dhiig shubmaya ama Hilib Doonfaar-isagu waa Najas-ama in uu yahay fisqi Alle qayrkii loo gowracay,Qofkiise loo dhibaato galiyo-xaaraanta-isaga oon xadgubeynin kuna talax tagaynin Rabigaa waa mid Dambiyada dhaafa oo Naxariista”.


"وقال القاضي ابن العربي المالكي في كتابه أحكام القرآن على قوله تعالى: ﴿أُحِلَّ لَكُمُ ٱلطَّيِّبَٰتُۖ وَطَعَامُ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ حِلّٞ لَّكُمۡ﴾ [المائدة: 5]. قال: وسئلت عن النصراني يفتل عنق الدجاجة ثم يطبخها: هل يجوز أن نأكل معه منها؟ فقلت: نعم. كلوا منها، فإنها طعام أحبارهم ورهبانهم وإن لم تكن هذه ذكاة عندنا، ولكن الله سبحانه أباح لنا طعامهم مطلقًا، وليس كل ما يحرم في ذكاتنا يحرم أكله في ذكاتهم.


"Qaadi ibnu Carabi Maalikiwaxa uu kitaabkiisa Axkaamul Qur’aan ku sheegay,markii uu Fasirayay Aayada Tiraahda”waxaa laydiin Xalaaleeyay waxyaabaha wanaagsan,Cuntada Ahlul kitaabkuna waa idiin Xalaal,Cuntadiinuna iyagu waa u Xalaal”,wuxuu yiri:-waxaa la weydiiyay Nasraani qoor siiba Digaagga ka dibna kariya ma banaan tahay in lala cuni karo ama la cuni karo hilibka Digaaga uu sidaa u dilay,wuxuu yiri:-haa cuna,waayo waa Cuntada Culimadooda iyo Suufiyadooda,haba jirto in aysan u gowricin sideena,lkn Ilaahay baa noo baneeyay cuntadooda gebi ahaanba,Arin jirtana maaha in wax kasta oo qaabka gowraceena lagu xarimay in qaab gowracoodana lagu xarrimay.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...