Musharax CIRRO Oo Xeerka Doorashada Ee Muuse Biixi Saxeexay Ka Hadlay .
"Dalkan iyo dadkiisu waxa ay u baahan yihiin wada-jir"
Hargaysa (HWN) Musharaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa ka hadlay xeerka doorashada isasaarka ah ee uu maanta saxeexay Muuse Biixi.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa qoraal uu baahiyay ku yidhi sidan:-
"Waa bushaaro weyn iyo farxad la sugayey in maanta la saxeexo oo uu dhaqan-galo Xeerarka doorashooyinka isku sidan ee muddooyinkii ugu dambeeyey Jamhuuriyadda oo dhammi ku howllaneyd sidii uu ansixi lahaa una dhaqan geli lahaa.
Waxa aan mahadnaq u dirayaa dhammaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay in dalkeennu dib u qaado tubtii doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda oo ay ugu horreeyaan labada Gole Qaran ee Barlamaanka JSL, iyo daneeyayasha kale ee arrintan wax ka geystay.
Dalkan iyo dadkiisu waxa ay u baahan yihiin wada-jir, midnimo, wax wada-lahaansho, is aaminaad iyo in geeddiga qori isku dhiibku uu halkaa innooga sii socdo, taasina way ay ku imanaysaa in la qaado dhabo doorasho oo xor iyo xalaal innoogu dhacda.
Reer Somaliland oo dhan, gudo iyo dibedba, waxa aan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan doorashooyinkii isku sidkanaa, Xisbiga WADDANI-na, waxa uu Qarankan u horseedi doono isbeddel ku dhisan Caddaald, Sinnaan & Wadajir.
Iskuhaynta Dalka & Dadka.
Loading...
Loading...