Waa kuma Madaxwayne Muuse Biixi?

0
Friday March 08, 2024 - 17:09:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1314
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Waa kuma Madaxwayne Muuse Biixi?

    "Maantana waxay joogaan Oog, Waxa U dhexeeya 151 Km."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maantana waxay joogaan Oog, Waxa U dhexeeya 151 Km."



Dhalinta Maanta afartan jirka ah ee sheley Muuse Dooratay Waxa lagu lahaa waa geesi Waa Mujaahid hadaad Doorataan Xuduudaha Somaliland Cidi u Soo hunguronmayso,Waa nin Dadka dhagaysta dhamaan waxaasi oo dhani waxay ahaayeen wixii lagu Doortay Doorashadii 2017.



1: Maanta oo 2024 Waa kuma Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi? Waa Masuulkii ugu Sareeyay ee Ciidamadii Somaliland 25 august 2023 oo dhamaanteen ka dharegsanahay waxa dhacay.


Waa Madaxwaynahii wixii ka danbeeyay Dagaalkii labaad aduunka Ciidan intaa tiro le’eg iyo hubkii intaad aragteen,badhna laga qabsaday badhna la inaga diley.


Madaxwayne Muuse waa Ninka ogolaaday Ciidan 2000 kun oo Askari in Magaalada Laas-canood lagu Soo daayo, Madaxwayne Muuse Maamulkiisu waa Nimanka Tignikadii iyo Ciidankii Qaranka lahayeen Markaliya inta gooni loo Soocay Ciidan hayb ahaan Beel kasoo wada jeeda Ku wareejiyay Garadadii Ciidanka Watay. lakiin aan hubka tignikada  wadan ee Markaliya Ciidamadii iyo hubkoodii yidhaahdeen Waa inamadayadii iyo hubkoodii oo Gooni lanoogu soo soocay ee Calan  Buluuga huwiyay Tignikadii Qaranku lahaa.


Madaxwayne muuse Biixi, Dawlad Sodon sano la dhisayay Ciidan,Maamul iyo Dhaqaale ahaanba Waa Ninka Reer laba Sacadood kala wareegen. waxaa aan soo Sheegnay ee ilaa hada Tiro Sadex boqol oo Maxbuuus Lixbilood Maalin kaliya laga sheekayn sidii nimankaa loo Soo furan lahaa Xoog iyo xeelad toona.


Madaxwayne Muuse biixi Maalintii Dalka uu la wareegay Waxay joogeen Ciidamada Somaliland Tukaraq. Maantana waxay joogaan Oog, Waxa U dhexeeya 151 Km.


Madaxwayne Muuse biixi waa ninka ku taliyay Siyaasad Xumadii keentay Cududii iyo Midnimadii Dalkani inuu Ku lumiyo Waxaan laga baaqsanayn Marnaba oo ah in Dalkani galo Doorasho, taasi oo Keentay in Buur la fuulo oo Ciidankii Qaranka hal mar Gacanteena iskaga dilo Tiro 11 askari ah, taasi oo ahayd Kaa dhimay oo kugu dhimay.


Wixii ka danbeeyay 1994 Waa Markii ugu horeesay ee Baabuur halo trust leedahay Ciidamo kaxaystaan Waa Markii ugu horaysay ee Maalin Cad amni Xumo darteed Gawaadhi Dawladu leedahay inta la kaxaysto odayaal ka odayeeyan.


Dhamaan Waxaas oo dhan hadii aan Xukuumadu marka hore Sharciga ku tuman may dhaceen oo aan shacabkii iyo ciidamadoodii la iska hor keenin, hadii la isku joojin lahaa oo talo la wada leeyahay Maadama wakhtigii la Doortay Madaxwaynaha oo Shan sano ah Dhamaatay talo Midaysan iyo Ismaqal lagu Dari lahaa may dhaceen, Geesinimadii iyo Dhagagsigii lagu dheegayna may Fashilmeen.


Marka is bar-bar dhig lagu Sameey ka hor intaan talada Madaxwayne Muuse lagu jabin, Maamulka Muqdisho ka jiraa may lahay Kalsooni ay Somaaliland ku yidhaahdaan Somaliland iyo Madaxdeedu Waa Danbiilayaal iyo waxyaabo lamida.  Tusaale inan Reer Las-canood ah ayaa Maali waxa ay Waydiisay wakhtigii farmaajo Madaxwaynaha ahaa Xukuumadada maanu Xil ka Saarnayn Dadka Reer Laas-canood eelagu Dilayo Somaaliya ayaad Doonaysaan Calan buluuga ayaad qadatay? Wuxuu ugu jawaabay Farmaajo Su’aasha maanta kama jawaabayo Maantana Xasan Gur-guurte Maalintii toban jeer ayuu ina soo hadal qadaa.


Maanta halkaa qodob ayaan ka hadalay la soco Sagaal Qodob oo Xukuumada Maanta joogtaa ugaysatay Somaaliland si taxana ah.

Qore:Maxamed cabdilahi Bookh.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...