Magaca Iyo Wakiilada Shirkadii Maalgashiga Somaliland Ee Ka Diwaan Gashanayd Imaaraadka Oo Wax Ka Bedel Lagu Sameeyey
Hargeysa(HWN):-Shirkadii maalgashiga somaliland ee ka diwaan gashanayd wadanka Imaaraadka ayaa wax ka badal lagu sameeyey cida masuulka ka ah iyo magacii ay lahayd.
Sida lagu baahiyey boga xarunta caalamiga ah ee maaliyada Dubai, wax ka badal ayaa lagu sameeyey magaca iyo cida masuulka ah shirkadii la sheegay inay somaliland u raadinayso maalgashiyada caalamiga ah ee ka diwaan gashanayd magaalada Dubai ee wadanka imaaraadka carabta.
Sida ku cad bogan, magaca shirkada oo hore u ahaa "Somaliland Investment Company” ayaa haatan loo badalay "DP World Berbera Investment Limited” iyada oo xukuumaduna aanay cadayn sababta loo badalay magacii hore isla markaana haatan loogu soo daray shirkada DP World ee laga kireeyey dekedii magaalada Berbera.
Sidoo kale wakiilada shirkada ayaa iyagana wax ka badal lagu sameeyey, waxaana laga saaray safiirkii hore ee somaliland u fadhiyey wadanka Imaaraadka Baashe Cawil halka lagu soo daray safiirka cusub ee uu dhawaan madaxweyne Muuse u magacaabay dalka Imaaraadka Muniir Abusite.
Wakiilada shirkadan ee haatan diwaan gashan ayaa ah wasiirka maaliyada Sacad Cali Shire oo hore-na ugu qornaa iyo safiirka somaliland ee wadanka Imaaraadka Muniir Abusite.
![]() |