Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Koobka Burco Ku Guulaysatay.
"Ciyaaruhu waxa ay muhiimad weyn u leeyihiin is-dhex-galka "
Muuse Biixi Cabdi waxa uu hambalyo u dirayaa Kooxda Kubbadda Cagta ee Dawladda Hoose Degmada Burco oo galabta ku guulaysatay Koobka Horyaalka Horyaallada Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu bogaadinayaa Kooxda Ciidanka Asluubta ee Kaalinta Labaad ka gashay Horyaalka iyo dhammaan kooxihii kala duwanaa ee ka qayb-galay Tartantanka Horyaalka Horyaallada Jamhuuriyadda Somaliland ee ka qabsoomay magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.
Muuse Biixi oo ka hadlaya ayaa yidhi "Ciyaaruhu waxa ay muhiimad weyn u leeyihiin is-dhex-galka dhalinyarada iyo la dagaalanka mukhaadaraadka, waxaana farxad ii ah in aynu horumar la taaban karo ka samaynay qaybaha kala duwan ee ciyaaraha iyo is-dhex-galka dhalinyarada.
Hambalyo Burco, Guul Jamhuuriyadda Somaliland.
Loading...
Loading...