Aragtida burburinta(ideological subversion).

0
Wednesday March 06, 2024 - 10:26:00 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 819
  • (Rating 5.5/5 Stars) Total Votes: 155
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Aragtida burburinta(ideological subversion).

    Aragtidaan wexey leedahay afar qeybood, mida koobaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aragtidaan wexey leedahay afar qeybood, mida koobaad



Subversion waa eray midowga sofiyeet leeyahay macneheeduna waa in la burburiyo wadanka iyo qaranka cadowgaaga, siyaasaddaan wexey salka ku heysaa aragtida feylasoofki iyo khabiirkii militariga shiineeska ahaa ee sun tzu, dunidana uga tagay buugiisa caanka ah ee 'The Art Of War', sun tzu wuxuu leeyahay "guusha ugu wanaagsan waa marka cadowgaaga uu is dhiibo iyada oo aan colaad idin dhex marin, waxaa wanaagsan inaad guuleesatid dagaal la'aan", marka ujeedada aragtidaan dhan laga leeyahay waa in aad cadowgaaga rabaayadeesatid, waa in uuna cadowgaaga kuu arkin mid halis ku ah jiritaankiisa.



Aragtidaan wexey leedahay afar qeybood, mida koobaad waa in akhlaaqda dadka laga dilo, qeybtaan wexey qaadataa 15-20 sano, sababta sanadahaan loo doortay ayaa ah in jiil cusub ay soo baxaan 15-20 kii sanabo sidaas darteed ayaa loo xushay dhowrkaan sano,. Si arintaan u hergasho waxaa dadka laga soo galaa qeybta waxbarashada iyada oo iskoolada lagu baro wax aan macno leheen sida cunto karinta, sheeko carrirooyin, sidoo kale diinta iyo dhaqanka dadka ayaa la yareestaa oo la yasaa iyada oo lagu jeesjeesayo sidoo kale dadka waxaa laga leexiyaa hadafka ugu ween ee ay diintooda xambaarsan tahay, tusaale hadafka ugu weyn ee diinta islaamka waa in adoonsiga dadka ay is addoonsadaan laga takhalluso ilaahey oo keliyana loo hogaansamo marka si hadafkaas dadka looga leexiyo waxaa la sameeyaa in la weyneeyo cid aan allaah eheen magac kastabo haloogu yeeree, sidoo kale waa in cadowgaaga aad ka burburisid dhaqaalaha.


Marxaladdaan kadib waxaa soo baxayo qof aan kala garaneen wanaagga iyo xumaanta sidoo kale ayna ukala soocneen saxa iyo khaladka taas oo keento qofka in uuna aaminin xaqiiqda haddii loo sheego xattaa haddii cadeymo faraha laga saaro, sida hadaad usheegtid in cadow kusoo socdo lagama yaabo inuu aamino illaa cadowga gurigiisa ugu imaado intaas keliya maahane sidoo kale waxaa soo baxayo qof baahan.


Qeybta labaad waa khalalaase abuurid ama colaad in lakiciyo haddii la heli karo in waddanka dagaal sokeeye lageliyo taas haddii ay suuro geli weysana waa in dibadda laga soo weeraro, marka wadanka khalalaasaha la geliyo dadkaadana ay yihiin kuwo baahan akhlaaq ahaan iyo diin ahaanna udhintay, natiijada ma'aha wax qof caadi ah sawiran karo balse haddii aan isku dayo waa burburinta wax walboo taagan haddii ay noqon leheed qof nool, xayaan, dhismayaash laga bilaabo mudul illaa iyo dabaq lagu geeyo iyo arimo intaas ka fool xun xattaa dugaagga aan laga filan karin.


Qeybta seddexaad waa in wadanka khalalaasaha lageliye colaadda lagu haayo, iyada oo dadka dagaalamayo laga ilaalinayo in ay hub yari soo wajahdo macnaha in rasaasta iyo hubka loosoo dhoofiyo lagana ilaaliyo cid kasto oo xal isku daydo ama damacdo, qeybtaan wexey socotaa 2-5 sano.


Qeybta afaraad ahna qeybta ugu danbeeso waa in caadi laga dhigo dhibka wadanka uu kujiro macnaha in labaro dadka sida ay dhibka ula noolaan lahaayeen iyadoo waddo kasto loo marayo.


Ugu danbeen aragtidaan khariban sidee looga soo kaban karaaa ama yaa kasoo kaban karo?, yuri bezmenov oo ahaa weriye ushaqeyn jiray KGB-da midowga sofiyeet una tababarnaa fulinta qorshahaan marka danbana usoo goostay galbeedka sidoo kale waqti badan ku bixiye in uu mareekanka uga digo arintaan ayaa qabo in qaabka keliya ee looga soo kaban karo ay tahay iimaan/rumeen in lahelo, maxaa yeelay qofka rabbi rumeesan ma yaqaano guuldarada sidoo kale ma yaqaano cabsida iyo niyad jabka intaas keliya maahane wuxuu aaminsan yahay in uu hadafkiisa gaarayo asaga oo rabbigiis lakaashanayo wax walbane wuu usameen karaa rabbigiis dartiis asaga oo aan ka labalabeeneen, balse kan aan ilaahey rumeesneen wax yar marka uu xaaladdaas adag kujiro waxaa laga yaabaa inuu isdhiibo amaba uu isdilo ama uu noqdo qof maandooriyaha lanool.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...