Burco Oo Ku Guulaysatay Koobka Horyaalka Horyaallada Somaliland.
"Sidaas ayay dawladda Hoose ee Burco ugu guullaysatay Horyaalka Horyaallada"
Hargaysa (HWN) Kooxda ku ciyaartay magaca Dawladda Hoose ee Burco ayaa galabta ku guulaysatay Horyaalka Horyaallada Somaliland oo mudooyinkii udambeeyay ka socday magaada Berbera.
Kooxda Dawlada Hoose ee Burco ayaana 3 iyo 0 kaga badisay kooxda ay wada ciyaareen galabta ee ku ciyaarta magaca ciidanka Asluubta ee Hargaysa.
Burco oo hore taariikh weyn ugu lahayd ciyaaraha Kubadda cagta balse sannadihii la soo dhaafay ay ka jiiftay ayaa galabta dib u soo celiyay taariikhda.
Sidaas ayay dawladda Hoose ee Burco ugu guullaysatay Horyaalka Horyaallada Somaliland.
Loading...
Loading...


0 





