Gud. Rooda Oo Sheegtay Inay Guryo Udiyarisa Taageerayaasha Ciyaarta Maanta.

0
Tuesday March 05, 2024 - 12:45:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gud. Rooda Oo Sheegtay Inay Guryo Udiyarisa Taageerayaasha Ciyaarta Maanta.

    "Taageerayaasha Hargeysa iyo Burco, rooda ahaan waxaan idiin diyaariyay... "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Taageerayaasha Hargeysa iyo Burco, rooda ahaan waxaan idiin diyaariyay... "


Hargaysa (HWN) Marwo Rooda Cabdi Muuse oo ah Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Ogaal ayaa guryo u diyaarisay taageereyaasha Hargeysa iyo Burco ee ciyaarta kama dambaysta ah ee maanta ka dhacaysa magaalada Berbera.



"Tageerayaasha labada kooxood. Waxaan leeyahay walaalayaal ku soo  dhawaada Magaalo cagaaran, qurux badan, bilicsan, nadiif ah Wadoiyin wanaagsan leh, Ku fiican dalxiiska . 


Taageerayaasha Hargeysa iyo Burco, rooda ahaan waxaan idiin diyaariyay 4 guri oo aad ku nasataan ku  bada iskaga maydhaan. Garoonka ka tagtaan. 


Reer Berbera insha alaah marti galin wanaagsan baa laydinka rabaa . Dulqaad badan baa laydinka rabaa, Insha alaah wanaag baan idiin rajaynayaa”. ayay gudoomiya Roodi ku sheegtay qoraal ay baahisay.


Guud ahaanba Somaliland waxa maanta lahadal hayaa ciyaarta kama dambaysta ah ee dhex maraysa labada naadi ee ukala ciyaaraya ciidanka Asluubta Hargaysa iyo Dawlada Hoose ee Degmada Burco.
Loading...
Loading...