Ra'isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Sir Philip Barton

0
Monday March 04, 2024 - 17:47:31 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Sir Philip Barton

    Dhankooda, wafdiga Mudane Philip Barton ayaa uga...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhankooda, wafdiga Mudane Philip Barton ayaa uga...


May be an image of 2 people and dais


Ra’iisul WasaarahaSoomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda dowladda Britain oo uu hoggaaminayey Xoghayaha Joogtada ah ee Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Sir Philip Barton.


 

Kulanka ayaa waxay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga faca-weyn ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo UK, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey Dowladda UK kaalinta ay ka qaadato dib-u-soo kabashada dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, isbeddelka cimillada iyo horumarinta adeegyada bulshada.


 

Dhankooda, wafdiga Mudane Philip Barton ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda soo dhaweynta diirran, iyagoo muujiyey sida ay u bogaadinayaan guulaha wax-ku-oolka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay gaareen muddadii la soo dhaafay.

Loading...
Loading...