Kaftanka maanta, Badhaani & Baaruud….W/Q Axmed Nuur Guruje

0
Monday March 11, 2019 - 17:25:08 in Articles by
  • Visits: 1919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaftanka maanta, Badhaani & Baaruud….W/Q Axmed Nuur Guruje

    Kaftanka maanta, Badhaani & Baaruud….W/Q Axmed Nuur Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaftanka maanta, Badhaani & Baaruud….W/Q Axmed Nuur Guruje

Saaxiibkay Badhaani oo i maagay , iguna eedeeyey in aanan shirkii Gacal-libaax tegin iyo Baaruud oo u markhaati furay midba aan hal idhaahdo .


1- Xuseen aan ku horeeyee , Shirka Gacan libaax , waxaa ka qayb galay guud ahaan ergooyinkii Garxajis , shirna rag kuma dhamaado , markaa hadii aanan tegin macnaheedu maaha in aan diidanaayee , intii shirkaas tagtay ayaa ii tagtay , intii tidhi ayaa ii tidhi intii garatay baa ii garatay , ana halkii ay wax dhigeen baan la dhigey .

Marka xigga , hadii aad tidhi shirka Isaxaaq buu tacab geliyay waa runtaa , waxaanse u geliya Isaxaaq waa silsilada Garxajis isu haysa , ee isku xidha , Hawd , Waqooyi , Galbeed iyo Barri , Isaxaaq la'aanina waa garxajis la'aan , markaa anigoo taladii iyo dardaarankii saaxiibkayOsman Omar Doolfulinaya ayaan shirkaa waysada u biyeystay si aan tolka karintaa adag loogaga soo dhicin .

2- Saaxiibkay Baaruud oo iyadoo nin wayn oo jeegaanta ihi isoo weeraray , oo waliba anigoo aan joogin isoo gaaday u markhaati furey , oo aan xitaa odhan waayay waar ninka la magayaa mee , hiil uu hiiliya iska daaye , waxaan leeyahay .

Saaxiibkayoow siddii aad u noqotay phd ba sidii phd habaryoonistu u socon jirtay baad u socotaayoo waad soo macaanaysaaye alle hakuu sahlo .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...