Qoraagii Qarsoonaa

0
Monday March 04, 2024 - 09:48:00 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 677
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Qoraagii Qarsoonaa

    Inta aan qalinkeygii miiska dul dhigay, ayaan baxay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta aan qalinkeygii miiska dul dhigay, ayaan baxay...



Waxaa aan ahaa qoraa. Waxaan qorey buugaag, haddana waan qoraa, balse qofna ima yaqaan. Waxaa igu dhacay wax aan la yaab leh. Hadda qofna ima arki karo; waxaan indhaha dadku arki kareyn ayaan noqday. Waxaa igu dhacay wax aan caadi ahayn. Anaa kaaga sheekeyn doona, waxa ay ahayd. Bishii Jeenawari, waxaan doonay in aan qoro buug dheer. Sidaa daraadeed, gurigaygii baan isaga tagay, waxaana helay qol yar.



"Kani waa qol ku wacan qoraaga", ayaa aan ku fikirey. " waxaa aan ku qori doonaa buugayga halkan".

Wuxuu ahaa qol yar, balse waan jeclaaday. Wuxuu ahaa mid aan sawaxan iyo buuqtoona lahayn.

Waxaa aan gudagalay hawshii buugeyga, waxaana aan ahaa mid riyaaqsan. Dabadeed, waxaa bilaabmay waxyaabihii layaabka lahaa.


Maalin, aniga oo miiskeygii fadhiya oo gacantana qalin iigu jiro. Si lama filaan ah ayaa aan u idhi: " waxaa aan u baahanahay kaafee, balse maan heli kareyn(maan haysan ) " "waa inaan tukaanka tago".


Inta aan qalinkeygii miiska dul dhigay, ayaan baxay.

Marka aan soo laabtey, waxaa aan raadiyay qalinkeygii. Muu dul oolin miiska. Waxaa aan ka eegay sibidhka ;kursigayga hoostiisa, haddana waxaa aan jaleecay miiskii dushiisa. Waxba muu oolin. "Arrintan maan fahmin ", ayaan hoos isku idhi.


Habeen kale, wax kale oo la yaab leh ayaa dhacday. Waxaa aan dul jiifay sariirta, qolkuna wuxuu ahaa mid bilaa sanqadh ah.


Si lama filaana, ayaan indhaha u kala qaaday. "Waa maxay waxaasi", ayaan idhi anoo yaaban. Dabadeed, Waxaan maqley cod nin. "Yaa jooga meesha?", ayaa ku dhawaaqey. Waxba leyma jawaabin, mana jirin qof qolka joogaa. Waan fahmi waayay, waxani wuxuu yahay, waxaana dareemay cabsi. "Maxaad samayn kartaa?", ayaan ku fikirey. "Maxay ahaayeeen waxani". Intaa ka dib, waxyaabahan la yaabka lihi, waa kuwo maalin kasta dhacaya, hase ahaatee waa inaan buugayga dhammeeyaa, sidaa awgeed waa inaan meesha ka tagin.


Qolku wuxuu ahaa mid yar. May jirin waxyaabo badan oo qolka yaalay; sariir, miis iyo kursi keliya. Waxaa kale oo jirtey muraayad qadiimi ah oo gidaarka ku dhegsanayd, waxayna ahayd mid aan jecelahay.


Maalin maalmaha ka mid, waxaan eegay muraayadii. Waxaan arkey isagii. Waa ninkii kale; aniga muu ahayn. Ninkani wuxuu leeyahay gadh, balse anigu ma lihi!


Indhaha ayaan isku qabtey, dabadeed mar labaad ayaan fiiriyay. Markan waxaan muraayada ka dhex arkey wajigaygii. "Taasi wax dhici kara maaha", ayaan idhi.


...... la soco.

Sheekadan oo dhammaystiran kala soco bogga Qalin iyo Qormo.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...