Joojiya Ceebaha Ka Dhanka Ah Gabdhaha Soomaaliyeed.

0
Monday March 04, 2024 - 09:44:15 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 836
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Joojiya Ceebaha Ka Dhanka Ah Gabdhaha Soomaaliyeed.

    "Kuwa ku sheegaya gabdhaha dhowrsoon dambi fool xun..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kuwa ku sheegaya gabdhaha dhowrsoon dambi fool xun..


Dumarka Muslimka ah oo sharaftooda meel looga dhaco oo gogol dhaaf iyo Anshax xumo lagu sheego,ama Aflagaado kalaba loo gaysto Islaamku waxa uu ku daray dambiyada waaweyn ee khatarta ah ee lagu Naar muto.


Ilaahay waxa uu yiri:

"إِنَّ الَّذِينَ يَرْمُونَ الْمُحْصَنَاتِ الْغَافِلَاتِ الْمُؤْمِنَاتِ لُعِنُوا فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ "



"Kuwa ku sheegaya gabdhaha dhowrsoon dambi fool xun oo aysan waxba ka ogayn,waxaa lagu nacaladay Adduunka dushiisa aakhirana waxay leeyihiin cadaab weyn.

Rasuulka scw wuxuu yiri :

"عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: "اجتنبوا السبع الموبقات. قالوا: يا رسول الله، وما هن؟ قال: الشرك بالله، والسحر، وقتل النفس التي حرم الله إلا بالحق، وأكل الربا، وأكل مال اليتيم، والتولي يوم الزحف، وقذف المحصنات الغافلات المؤمنات"متفق عليه.


"Xadiis uu Abuu Hureyra Rasuulka scw ka wariyay ayaa ahaa in Rasuulka scw uu yiri ka dheeraada todobada dambi ee dadka halaagta,waxay yiraahdeen oo maxay yihiin Rasuulkii Allow,Rasuulka scw wuxuu yiri:


Waa ilaahay oo loo shariik yeelo,sixirka,naf xaq daro lagu dilo,ribada oo la cuno,maalka agoonta oo la cuno,in iyadoo dagaal jihaad ah lagu jiro la cararo,iyo in sino iyo xumaan lagu sheego gabdhaha dhowrsoon ee muminiinta ah"


Diinta islaamka sideetan karbaash bay ku xukuntay qofka gogol dhaaf ku sheega gabar Muslimad ah haddii uusan u keensan afar markhaati ah oo arkaysay markii ay falkaas ku kacaysay.


Waxaa waayahan aad u badanaya dadka meel oga dhacaya sharafta gabdhaha soomaaliyeed ee Muslimka ah kuwaas oo caadaystay inay baraha bulshada ku fadeexeeyaan ama wax aan u qalmin ku tilmaamaan qaar ka mid ah Dumarka soomaaliyeed.


Marka Wiilal Soomaaliyeed yiraahdaan maanta ma jirto Gabadh Soomaaliyeed oo dhowrsoon oo ay Wiilal kalana u jiibiyaan oo misana la waayo mid qura oo yiraahda joojiya,waa Musiibo inteeda la eg.


إِذْ تَلَقَّوْنَهُ بِأَلْسِنَتِكُمْ وَتَقُولُونَ بِأَفْوَاهِكُم مَّا لَيْسَ لَكُم بِهِ عِلْمٌ وَتَحْسَبُونَهُ هَيِّنًا وَهُوَ عِندَ اللَّهِ عَظِيمٌ (15).

"Markaad isla dhex mareyseen oo aad Afkiina ka sheegayseen wax aydan Cilmi u lahayn oo aad moodaysaan wax sahlan iyada oo ay -Aflagaadadaasi Alle agtiisa ka tahay mid weyn”.


Dhab ahaantii waa wax laga xumaado in qaar ka mid ah Ragga soomaaliyeed ay si xun u bah dilaan Haweenka Soomaaliyeed ee dhalay ama la dhashay ama ay dhaleen amaba u dhaxa.


Waxyaabaha qaarkood waa ceeb in laga xishoodo mudan,waxanan warkayga ku soo koobayaa Ragga soomaaliyeed ee ku howlan ceebaynta Hablaha Soomaaliyeed ee Muslimka ah ilaahay ha ka cabsadeen oo ha joojiyeen warxumo tashiilka iyo dhagxumada ka dhanka ah Gabdhaha soomaaliyeed ee sharafta iyo cisiga mudan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...