Maxaa raganimada ku ceeba? Qaybtii sadexaad.

0
Sunday March 03, 2024 - 11:59:05 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa raganimada ku ceeba? Qaybtii sadexaad.

    ~ Taasi waxay kaa caawinaysa sadex arimood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

~ Taasi waxay kaa caawinaysa sadex arimood.


9. Hiigsi la'aanta: Diyaarada hawada maraysa, maraakibta badaha maraya, baaburta bariga socda iyo noolaha oo dhan midwalba jiho uu ku socdo ayaa jirta. Rag aad ubadan waxay shaqeeyan 7-da maalmood ee isbuuca ah. Waxaa soo gala dakhli aad u sareeya. Waxaay ku dedaalaan wax kasta oo shaqadooda kor u qaadaya. Waa si wanagsan lakiin waxaa aad u fiican in ninka raga ah hiigsi cayimayan iyo ahdaaf mudnaan kale leh aay horyaalan isaguna uu ku dadaalo siduu uga midho dhalin lahaa isaga oo ukala horaysiinaya sida aay ukala mudan yihiin. Kama wado raga oo dhan bilaa hadaf ayaay socdaan lakiin rag badan oo bilaa qorshe ah ayaa jira. Inaad aad u shaqayso bilaa hadaf waa khasaaro aad u wayn. Kuma lihi aad hau shaqaysanin ee waxaan ku layahay hadaf, yool, hiigsi, hami, doonid, rabitaan iyo ku dhiraanaan ku dar. Si wax soo saarkaagu adiga iyo dadkaba u anfaco.



10. Dib u milicso halkaad katimi; Nolashaadii hore dib ugu laabo. Halkaad ku dhalatay, halkaad kusoo kortay, halkaad dugsiyadii iyo jamacadihii aad wax kubaratay ahayeen, walidkaagii iyo ehelkaagii kusoo garab taagnaa wakhtiyadii adkaa iyo wixii lamida.


~ Taasi waxay kaa caawinaysa sadex arimood.


B) Mida kobaad ninku hadii uu si sax ah uga warhayo, u xasuusan yahay, u qiimaaynayo, u garanayo, dubaaqiisa iyo qalbigiisana ku xardhan tahay noloshii dheerayd ee uu soo maray isagoo cashiro ka qaadanaya khaladaadkii horay uga soo dhacay intii xanuunka lahaayd na iska ilaawaya wuxuu ku gulaysan karaa inuu jiheeyo noloshiisa. Qof noloshiisu jiho sax ah haysatana guul urajee waligeed. Sababta quranku uga waramo tarikhda qoomamkii hore ciyaar ha moodin saxiib. Halkaas xikmad aad u wayn ayaa kujirta'e.


T) Mida labaad waxaad kala ogaan ood ku baraarugi inaadan halkii hore joogin, maxaan kawadaa? Sidan baan ula jeedaa akhriste, qof aan halkii hore joogin sidii hore uma dhaqmi karo. Kasoo qaad 5 sano kahor waxaad ahaayd 15 jir, maantana waxaad tahay 20 jir. Ma aha qof yar qof 20 sano jira.Masamayn karaysid wixii aad 15 jirkaagii samayn jirtay adoo 20 jir ah. Oo maxaa kamida waxyaabahaas? Dee kubadii aad ciyaari jirtay, filimadii aad ku mashquuli jirtay, wakhtigii aad khasaarin jirtay iyo masuuliyad la'aantii aad dareemi jirtay madareemi karaysid hada sababtoo ah waad kortay.Waxyaabaha aan ka hadlaya ma aha waxyaabaha wanagsan ee waa waxyaabaha noloshaada kharibyay xiligaas hore. Arintan hadaad garawsatana waxaa kuu fududaanaya inaad iskaga tagtid waxkasta oon muhiim kuu ahaayn. Hana ilaawin Xadiskii nabiga scw wuxuu ahaa "Ku dedaal wixii ku anfacaya"


J) Mida sadexaad: Markaad Ku gulaystid arimaha aaynu B/T ku soo xusnay, waxaad daraasad kusamayn karaysaa noloshaada hadeerto. Imika waxaad ufiirsan karta, ma saxan tahay jihada aad ku socotid? Waxaad is waydin karaysaa xageed katimi? Waxaad ogaan karaysaa xageed usocotaa? Maxaa lagaaga baahan yahay inaad hadeer qabatid? Quranka iyo axaadista nabiga scw waxaa badanka ku soo arooray in mustaqbalka laga baaraan dago hadaay aayaha nolosha dambe ee akharo tahay, iyo hadii aay nolosha gaaban ee dunida tahayba. Nin ahaan Kuma qabato inaad iska socotid uun. Waa ceeb sidaasi. Laguguma talo galin inaad iska cuntid iska cabtid ood iska jiiftid uun, iskana ciyaartid sidii ilma yar adoo 18, 19, 20 iyo wixii lamida jira. Waaqaca nolosha inaad fahantid ayaa kaaga faaido badan dawashada filimaanta, shukaasiga aan guur ka salaysnayn ee faraha badan iyo balwadaha xun xun ee cafimaadkaaga diloonaya. Waxaa layaab leh nin wayn oo jira 21,22,23,24 ilaa 25 oo hadana ilma yar ismoodaya. Walaalle waxaasi waa ceeb. Ma yaride fadhiga ka kac.

Nour Ibroz

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...