Ragga iyo Dumarka Midkee jaceylkoodu Qoto dheer yahay.?!

0
Sunday March 03, 2024 - 11:18:28 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ragga iyo Dumarka Midkee jaceylkoodu Qoto dheer yahay.?!

    Jawabtu waa ragga sababo badddan awgood .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jawabtu waa ragga sababo badddan awgood .


1. Inta Heeso jaceyl iyo erayo aamaan ah la qorray 80% rag baa qorray

2. Raggu waa uu u dhimman karaa jaceyl dartii waana ay u dhinteen
3. Waxa waqti yo maalba kubixiya jaceyl waa rag
4. Raggu waxaa uu guursadaa isaga oo maalqabeen ah gabadh faqiir ah balse waa dhif iyo naadir inay


 gabadhi iyadu sidaa yeesho

5.Raggu waxaa uu guursadaa Isaga oo phd sita gabdhan aan waxba barran
Lakiin lagama yaabo inay gabadhi sidaa si la mid ah semayso.

6. Ragga in la jeclaado waa inuu astaamahan uu leeyahay sida : Maal , Magac iyo Maamuus.(maddax)
7. Raggu haddii inanta uu jeclaaday ay iyaduna u jeclaato sida uu u jecel yahay wax danaysi ahna aanay

muujin daacad ula wadaagto jaceylkiisa wuxu noqdaa ninka ugu farxada baddan waana halka ay ka timid odhaahda: "raaliya ninkaa hela ayaa ragganimo ku faana" ( "xisaabta ku darsada waa gabadh si dhab ah u jecel yahay." )

Sido kale way jiraan raggana kuwo danaystayaala marka ay arkaan gabadh si dhab ah u jecel. Oo anigu kama dhigayo ragga malaa'ig.

Lkn ragga intooda badani inanta ay dhab u jecel yihiin haddii aya iyaduna u muujiso mug iyo in leeg amaba ku dhow inta uu jecel yahay buur iyo dhagaxba uu u mari karaa siduu u uga farxin lahaa.
Balse dumarku ninka jecel baa ay ugu daranyihiinba oo ay kubadalaan ninka
Ay iyagu rabaan balse isagu aan wax ahmiyad ah aan siin ama 20% siiya kalgacal iyo waqtigiisa 80% kalena islweyni iyo adayg kuwada.

9.Ragga jaceylkoodu waa ka gun dheer yahay ka dumarka.
Tusaale : diraaso laga qaaday araday jaamacadeed ayaa.laweydiiyay rag iyo dumarba haddii ( ilamahaagu iyo odaygaaga/ xaaskaaga naftoodu halis ku jirto midkee badbaadin lahayd: raggu waxaa wuxuu yiri: xaaskayga sababta oo ah ilma kale waan dhali karaa , balse ilmaha hooyo la,aan in la koriyaa wey adag tahay .
Dhanka kale dumarku waxa at yidhaahdeen jiidhkayga(ilmahayga) ayaan badbaadin lahaa sababta oo ah ninkale waan guursan karaa.

Sidaa darteed: "ragga ayaa jaceylkoodu ka gun dheeryahay ka dumarka"
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...