Musharaxnimada Fosia X. Adam Ee Gudoomiyaha Ururka Afrika Wuxuu Soo Dhoweynayaa Is Ictiraafka Somaliland Iyo Somalia.

0
Sunday March 03, 2024 - 10:55:06 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 6
  • Share via Social Media

    Musharaxnimada Fosia X. Adam Ee Gudoomiyaha Ururka Afrika Wuxuu Soo Dhoweynayaa Is Ictiraafka Somaliland Iyo Somalia.

    Somaliland Ha Taageerto Musharaxnimada Fosia Xaji Adam.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Ha Taageerto Musharaxnimada Fosia Xaji Adam.


Marka siyaasadda iyo shaydaanimada laga saaro arinka ka dhexeeya SOMALILAND iyo Somalia hubaal waxay ahaayeen laba wadan oo isku darsaday dawkadnimadii ay ka qaateen gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga, Djaboutina way isku Aamini weyday markay Xornimadii ka qaadatay Faransiiska 1977kii sababtoo ah waxay aragtay Isha-Cali-Ka-Laalaada( Siduu Ku Dambeeyey Xaalkii Somaliland).



Somaliland muddo soddon sannadooda waxay ku guul darsysatay inay ku inay soo kariso siyaasad u cuntanta Somalia dadkeeda iyo madaxdeeda khaasatan todobadii sano ee u dambeeyey ee Muse Biixi oo wadankii iyo siyaasaddii sii Hagaasiyey Oo Dagaalo Ba'an Iyo Kala Googo Iyo Qabyaalad Ku Dhex Riday Kama Dambaystiina Wadankii Badh U Saxeexay Ethiopia Oo Halkaa Dekaddii Jabouti Iyo Berbera Ku Gawracay Lacag Yarna Ku Bedelabaayey.


 

Heshiiska Muse Biixi wuxuu (COMA) GELIYEY madaxweyne Ismail Omer Geele iyo Jabouti oo wax kasta oo afkooda ay geliyaan ka yimmaaddaan ETHIOPIAbiyahana ku dhehoo. Sideedabana Soomaalidu waa inay Jabouti fahanto, Jabouti waxay ka koobantay laba shay oo qudha oon mid seddexaad soo raacin, labadaa shayna waxay ku xidhan yihiin isbedel siyaasadeed oo ka dhaca gobolka geeska Africa iyo mid ka dhaca siyaasadda dawladaa waaweyni ku loolamayaan. Labada Shay Ee Jabouti Ka Koobantay Waa Saldhigyada Iyo Dekedda. Labadii Mid Muse Biixi Ayaa Gawracay Hadduu Hirgalo Heshiiskaa Xaaraanta Ah Ee Bad Iyo Dhul Ethiopia Ka Helayso Somaliland.


 

 

Taariikhdu Way Soo Noqnoqotaa , Cabdirahmaan Tuur (Allah Ha U Naxariisto) Burji Sitaasadeed Buu Lahaa 6 Bilood Buu Somaliland Kaga Qabsaday Af Weyne Xukunkiisii. Cabdirahmaan Cirro Waa Siyaasi Burji Leh Isna Haduu Yimaado Wuu Kala Fufuri Somaliland Iyo Somalia Timahaa Ay Isku Xidhxidheen Siyaasad Xumada Somaliland Awgeed, Siilaanyo Ayaa Qodobkii Jahliga Ahaa Ka Saaray Meesha Oo Bilaabay Wada Hadalka Somaliland Iyo Somalia.


 

Xidigii Wuu Muuqdaa Guusha In Ay Somalia Ictiraafto Somaliland, Seddex Shay Baa Soo Muuqda Maanta. Fosia Xaji Adam Oo Ku Guulaysata Kursiga Afrika U Sareeya Ee Ay U Sharaxantay, Cabdiraxman Cirro Oo Somaliland Hogaaminaya Iyo Xassan Sheekh Oo Madaxweyne Weli Ah. Tirsiga Iyo Yooyootanka Ictiraaf Kuma Yimaado Iyo Ilmada Yaxaaska Ee Muse Biixi .


 

Hadday Fosia Ku Guulaysato Kursiga Africa U Sareeya 61 Lixdan Albaab Oo Madaxda Afrika Ah Baa Inoo Furmaya Oo Wax Laga Dhaadhiciyo Iyo Somaliland Iyo Somalia Xaalkooda


Somaliland Ha Taageerto Musharaxnimada Fosia Xaji Adam.


 

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

 

Qoraa Bashe-Buurdhegsyste

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...