Hooyo & Laba Caruur Ah Oo Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Gurigooga Hargaysa.

0
Sunday March 03, 2024 - 09:39:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo & Laba Caruur Ah Oo Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Gurigooga Hargaysa.

    ⁠"In laga taxadaro wax kasta oo keeni kara dab."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

⁠"In laga taxadaro wax kasta oo keeni kara dab."


Hargaysa (HWN) Ciidamada Dabdamiska Hargaysa ayaa ka hadlay dab xalay ka kacay guri kuyaala xaafada cabaaye ee Hargaysa, kaasi oo ay ku dhinteen hooyo iyo Laba caruur ah.



Ciidanka ayaa warbixintan hoose oo ay kaga hadlayaan dhibaatada dabka iyo sida ay tahay in looga taxadaro ku yidhi sidan:-


Alle haw Naxariistee Hooyo iyo laba Caruura ayaa ku dhintay Dab ka kacay Hoygii ay degenaayeen oo ku yaala xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax.


Abaaro 4:00 subaxnimo ciidanka Dabdemiska Hargeysa ayaa ka hawlgalay una gurmaday Qoyskaa, iyadoo halkaana laga samata-bixiyay afar caruura oo kale. 


Ciidanka Booliska degmada Gacanlibaax ayaa la wareegay Maydkii. Baadhista Kiiskana waxaa gacanta ku haya ciidanka Dambi-baadhista.

Bulshada ku nool Somaliland waxaa ciidanka Dabdemisku farayaa in Habeenkii ka digtoonaadaan halista dabka:


- In Habeenkii La damiyo laydhka, lana aaso dabka girgirayaasha, lana dhigo meel ku haboon.

- ⁠In laga taxadaro wax kasta oo keeni kara dab.

Ciidanka Dabdemisku wuxuu tacsi u dirayaa Qoyskaa Masiibadu ku dhacday, Alle Cawil kheyr Qaba hakasiiyo.

Allaa Mahad leh
Loading...
Loading...