"Itoobiya Dhib Gudaheeda Kajira Ayay Doonaysaa Inay Dibada Uxawisho" Xasan Sheekh

0
Sunday March 03, 2024 - 09:17:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Itoobiya Dhib Gudaheeda Kajira Ayay Doonaysaa Inay Dibada Uxawisho" Xasan Sheekh

    "nasiib darro marka uu hogaanku wajahayo dhibaato gudaha..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"nasiib darro marka uu hogaanku wajahayo dhibaato gudaha..."



Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey madasha diblumaasiyadda ee Antalya ee dalka Turkiga ayaa ku tilmaamay hogaanka Itoobiya mid doonaya in uu dibadda u xawilo dhibaatooyinka ka jira gudaha dalkiisa.



"Taariikh dheer ayaan leenahay annaga iyo deriskayaga Itoobiya, 6 ilaa 7 qarni, inta bandanna ma ahayn taariikh wanaagsan,” ayuu yiri madaxweyne xasan oo sheegay in ay doonayaan in taariikhdaas laga gudbo oo la dhiso xiriir dhaqan dhaqaale oo u dhexeeya labada dal.


Hase yeeshee madaxweynhu wxuu sheegay "nasiib darro marka uu hogaanku wajahayo dhibaato gudaha ah oo uu doonayo in uu indhaha dadkiisu ku xawilo arrima dibadda ah, waa dhibaato halis ah” ayuu yiri madaxweyne Xasan.


"Waxaa jira dalal badan oo bad la’aan ah, dhamaantoodna badda way isticmaalaan, waxaana jira qaab caalamku isla oggolyahay oo ku aaddan sida ay dalalka aan badda lahayni uga faa’iideysan karaan badda,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya isaga oo sii raaciyey "taasi kama dhigna inaad qayb goosato ama in aad saldhig milatari ka samaysato dalkaas.


Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa bilaabatay ka dib heshiis is-afgarad oo dhex maray  Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo dhigayey in Itoobiya laga kireeyo 20 kiilo mitir xeebaha Somaliland kuna badalato aqnoosi.
Loading...
Loading...