Mudaharaad Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Muqdisho Ka Dhacay.

0
Saturday March 02, 2024 - 19:44:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaharaad Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Muqdisho Ka Dhacay.

    "Falkaasi wuxuu xadgudub ku yahay xaqa dastuuriga "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Falkaasi wuxuu xadgudub ku yahay xaqa dastuuriga "



Muqdisho (HWN) Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Baarlamaan Somaliya ayaa cambaareeyay Mudaharaad maanta kadhacay Magaalada Muqdisho oo ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac kadib markii ciidanku rasaas ay fureen, sida xildhibaanku ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.



"Waxaan canbaaraynayaa dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ah ee ku dhintay rasaastii lagu riday dadkii  ku mudaaharaadayey Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho. Falkaasi wuxuu  xadgudub ku yahay xaqa dastuuriga ah iyo  xurmada nafta muwaadinka.


Allaah u naxariisto wiilka dhallinyarada ah ee ku dhintay rasaasta, kuwa dhawaca ahna Allaha u booga dhayo.


Shacbaka reer Muqdisho marar badan ayey dalbadeen in magaalada maqaam loo sameeyo si ay u soo doortaan hoggaan ay la xisaabtami karaan, taasoo aan marar badan ku celcelinay, welina u taagannahay. 


Ka sokow in ay masuuliyad saaran tahay, haddana waxaan xusuusinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh, xanuunkii ay lahayd dibadbaxayaal la rasaaseeyo" ayuu xildhibaanku ku yidhi qoraalka uu baahiyay.
Loading...
Loading...