War Deg Deg Ah:-Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya Inay Ka Baxday Dacwadii Bada Ee Ay Ka Gudbisay Kenya
Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay warar soo baxay oo sheegaya inay ka tanaasushay xuduudii badda ay ee ku muransanaayeen wadanka Kenya.
Agaasimaha warbaahinta ee xafiiska madaxweynaha soomaaliya Axmednur Maxamed Axmed ayaa war uu soo saaray waxa uu ku sheegay inaanay waxba ka jirin wararka sheegaya in soomaaliya ay ka laabatay dacwadii badda ee u dhaxaysa wadanka Kenya, isla markaana ay dacwadu sideedii u hortaalo maxkamada Hague.
Agaasime Axmednuur ayaa sheegay in xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee soomaaliya uu baadhis ku hayo cidii faafisay warkaasi waxaanu ku yidhi warka uu soo saaray :-
Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan
been abuurka ah.