Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Koox Burco Ka Socotay Oo Ka Badisay Berbera.

0
Saturday March 02, 2024 - 19:34:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1052
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Koox Burco Ka Socotay Oo Ka Badisay Berbera.

    "waxaan si gaar ah u bigaadinayaa, kooxdii guushu galabta raacday"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaan si gaar ah u bigaadinayaa, kooxdii guushu galabta raacday"


Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka KAAH Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay ciyaar galabta ay wada ciyaareen Laba kooxood oo kakala socday Berbera iyo Burco.



Ciyaartan oo ka dhacday degmada Berbera ayay guushu ku raacday koox ka socotay magaalada Burco.


Siyaasi Maxamuud xaashi ayaa qoraal uu ka qoray qaabkii ay udhacday ciyaartani uqoray sidan:-


"Farxad weyn bay ii ahayd, in aan galabta magaalada Berbera kaga qayb galay daawashada ciyaar xiiso badan, taas oo u dhaxaysay Naadiga DP World Berbera, iyo Naadiga Dowladda Hoose ee Burco. Xaqiiqdii labadan kooxood waxay soo bandhigeen, ciyaar ku dhisan xirfad iyo xilkasnimo aan laga xiiso goyn karin.


Waxaan leeyahay, haldoorkii ka tirsanaa labadan kooxood, dhammaantiin waad guuleysateen ee hambalyo. Waa caadada ciyaarta in cishaba calafku raaciyo cid guusha. Sidaa darteed, waxaan si gaar ah u bigaadinayaa, kooxdii guushu galabta raacday, ee ku ciyaareysay magaca Naadiga Dowladda Hoose ee Burco.


Waxa muuqata in reer Burco, kooxohoodii tartanka ku jiray ay soo nooleeyeen, xirfaddii iyo xamaasaddii lagu yaqaanay xilliyadii hore. Waxaan leeyahay, hambalyo kooxihii reer Burco.


Dhinaca kale, waxa ammaan mudan reer Berbera, oo sanadahan dambe ay kor u soo kacday, tayadooda ciyaareed iyo tooda waxbarasho labaduba. Gobolka Saaxil wuxuu ku guuleystay in sannadkii tegey imtixaankii dugsiyada sare ee dalka, tobankii dugsi ee ugu sarreeyay ay 5 dugsi sare ku lahaayeen. Waxaan leeyahay, hambalyo gebi-ahaanba reer Saaxil guulaha ay gaadheen.

Loading...
Loading...