Xukuumada Oo Ka Hadashay Khilaafka Golaha Deegaanka Hargaysa.

0
Saturday March 02, 2024 - 11:45:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Ka Hadashay Khilaafka Golaha Deegaanka Hargaysa.

    "iyadoo la isla qaatay in laga wada shaqeeyo horuumarka Caasimada Hargeysa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"iyadoo la isla qaatay in laga wada shaqeeyo horuumarka Caasimada Hargeysa"


 
Hargaysa (HWN) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa saaka shir muhiim ah la qaatay guddida Fulinta ee Golaha Degaanka ee Caasimada Hargeysa iyo guud ahaanba Xildhibaanada Golaha Deegaanka.



Kulankan ayaa ku saabsanaa is xogwaraysi iyo dardaaran guud uu Wasiirku siiyey Xildhibaanada, kaasoo ku saabsanaa in ay ka fogaadaan khilaaf danbe oo dhexdooda ka dhaca iyo in ay dardargeliyaan shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan Bulshada ku shaqan Caasimada Somaliland ee Hargeysa.


Xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo Maayir Caasimada Cabdikariim Axmed Mooge ayaa iyana ballan qaaday in ay ku wada shaqaynayaan midnibo iyo wada jir, waxkastana ay ku xalinayaan dhexdooda. Kulankan ayaa ku soo dhamaaday isfam, iyadoo la isla qaatay in laga wada shaqeeyo horuumarka Caasimada Hargeysa iyo arrimaha Nabadgalyada.
Loading...
Loading...