War Degdeg Ah: Wiil Aabihii Ku Dilay Ceerigaabo & Booliska Oo Ka Hadlay.

0
Saturday March 02, 2024 - 10:20:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg Ah: Wiil Aabihii Ku Dilay Ceerigaabo & Booliska Oo Ka Hadlay.

    "iyadoo degdeg loo horgayn doonaa sharciga."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"iyadoo degdeg loo horgayn doonaa sharciga."



Hargaysa (HWN) Ciidanka Booliska Somaliland ayaa ka warbixiyay Dil xalay ka dhacay magaalada Ceerigaabo.



Booliska ayaa warbixin ay saaka daabaceen ku sheegay inay gacanta ku dhigeen wiil ku eedaysan in uu aabihii dilay.


"Ciidamada Booliska JSL garahaan Qaybta Gobalka Sanaag ayaa gacanta kusoo dhigay Edeysane  Cabdiqaadir Maxamed Cabdi oo ku eedaysan inuu xalay Abbaarro 8:00 Habeenimo ku dilay Aabbihii  Marxuum Maxamed Cabdi Nuur (Xamari) Magaalada Ceerigaabo , waxaanu ku dilay xabbad.


Hawlgal iyo dedaal dheeriya oo  Ciidanku sameeyay ayuu kusoo qabtay eedaysanaha , waxaanu ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska,  iyadoo degdeg loo  horgayn doonaa sharciga. 


Taliska Ciidanka Boolisku wax uu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqayaa inay ilaaliyaan nabadgalyada , waxii Amni darro wadana naga gacansiiyaan. 


Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.
Loading...
Loading...