{Dhiiri-gelin} Waar Bal Daya oo DHugta oo Eega Dadkan Xabashida loo Maddiidaynaayo!.

0
Saturday March 02, 2024 - 09:58:19 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    {Dhiiri-gelin} Waar Bal Daya oo DHugta oo Eega Dadkan Xabashida loo Maddiidaynaayo!.

    Hooyoleyna Xabashigaa kala Googayn?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hooyoleyna Xabashigaa kala Googayn?.




Waar Bal Daya oo DHugta oo Eega Dadkan Xabashida loo Maddiidaynaayo!.

 

 

Dadkaynu ka joogno waxa laga hayaa, Dad waa Dadkii Hore hadalna waa intay yidhaahdeen, se hubaashii Aduunyada Ruuxii nool Maxaa aragti u laaban!.



 

Tan iyo waagii aan dhalaanka ahaa waxa aan maqlaayey Xabashidu waa caddowgeena waana Gumaystihii madoobaa ee dhulkeenii Hooyo ee Galbeed iyo Dhulkii Hooyo ee Hawd reer Yurub ay Taabka u gelyeen badhtamihii qarnigii 20aad, sidiina weli uu isticmaarsi ama gumaysi uu ku haysto Gaalka madoobi Dadkeenaa Hooyoleyda ah ee aynu wadaagno Dhiig, Dhalasho, Dhaqan, Af, Diin iyo Taariikh 10-Kun oo sano mudo kor u dhaafaysa HAA! Taariikh Qoran oo Duug ah ama Facweyn oo Dhitaysan aynu wada leenahay se muxuu Xabashi iyo Gaal kalkaal ka ogyahay!.


 

Hadaba waxa wax lala yaabo ah in Cadawgii Dhulka iyo Dadku inagaga maqnaa ee weli isticmaarsigii ku haysta dad caqli gaabani doonayaan in ay Bad iyo dhul kale ugu daraan intii hore!, waana wax lalayaabo in Caddaawe dhulkaagii isticmaar kale siiyey oo weli Isticmaarkii hoos jooga qarnigii 21aad oo la Guumaysanaayo in kalana ugu dar, waxa la yidhi Mayd Maxaa ugu danbeeyey? Saa la yidhi kaa lasiisido!, Iminka gumaystuhu siduu dadkeena uu isticmaarsado siduu u galo tii Maalintii dhawayd uu saylada Jigjiga uu ka samaynaayey eeg uu shacabka Xoolo dhaqatada ah uu xoolahoodii Xooga kaga kaxaystay markii ay ishortaagayna uu xabada la dhacay ee uu dhagta dhiiga udaray xoolahoodiina Xooga ku kaxaystay dharaarta cad ee laba Calina is weydiin ee siday yihiin looma ooyaan looma dhiidhiyaan layska aasay!.


 

Hadaba Dadkeena Hooyoleyda ah ee Hawd iyo Degelka Hooyo ee Galbeed waxa ay ka mid yihiin deegaamada aduunka ee qarnigan 21aad ku jira gacmaha isticmaarka Madow isaga oo Isticmaarkii Saan-Cadka ahaa uu qarnigii 20aad uu dalalkii uu Guumaysanaayey dadkii lahaa uu Dib u gudoonsiiyey inaka Hooyoley ahaan Dhulkeenii iyo Dadkeenii weli badh baa Gumaysiga aan ka xoroobin oo weli maqan oo Hawd iyo Hooyoley Galbeed ahe ee yaan layska makiikiyin lagana maan-dambuuqsan.


 

Waxa iyana wax laga uur xumaado oo wax Dhiillo iyo murugo leh ah in Gumaystihii Madoobaa ee Dhulka iyo Dadku inagaga maqnaa uu sidii Abeesadii farta loo taagay ee fanaxa u booday uu isna yidhaahdo Dhul kala iyo Bad iigu daran intii aan isticmaarka ku haystay! Se Tabtii Galbeed waa la Xoreeyey ee Waarso ayaa Gaagixisay ayuu xaalku u Eekaaday iyo Saylac Xabashigii wuu soo tiigsaday ee Turkigaa Rako dheer saaray.


 

Waxa iyana ina-gumaydnimo ah Dadkan u shaqaynaaya Gaalka ee Damaca Xabashiga inay hirgeliyaan u tafo xaytay ama (tayga) xadhig gaalka Qoorta uu ka laalaado ee kolba dhalinyarada intay meel ku shiriyaan Xabashi Dowlad Qobtol ah beenta u sheegaya ee leh wuu ina ictiraafay!, muxuu Tigrayga u baabiiyey ee uu u ictiraafi waayey?, hadii uu ku ictiraafo ma ogtahay inuu isna tusbax furmay inuu noqonaayo, se hubaal gaalka gurani Taa wuu ogyahay hase yeeshee tuu wadaa waa Khiyaamada ma ku Baraa weeye inuu Bad ku qaato!, Sikastaba ha ahaatee Ummadiinan Alle Diinta iyo Dhaqanka San siiyow kaca oo baraaruga oo iska dhiciya Gaalka Madow iyo wuxuu cagaha ku jiidanaayo oo Waar Daya oo Eega oo Dhugta oo ka dhiciya Dadkiinan Xabashiga loo Maddiidaynaayo.


 

Tigray Xabashida ka go’imayso

 

Hooyoleyna Xabashigaa kala Googayn?.


 

Khadar Hooyoley Fartaag

 

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...