Barri Iyo Saadam-Baad Lumi

0
Saturday March 02, 2024 - 09:55:56 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barri Iyo Saadam-Baad Lumi

    Laba dawladdood iyo israac waa waxay luraye..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba dawladdood iyo israac waa waxay luraye..


Gabaygan oo magaciisu yahay "Barri iyo Saadam-baad Lumi", ayaa waxa uu Abwaan Cali Haybe Cige kaga warramaaya sooyaalkii taariikheed ee Ummadda reer Somaliland soo martay, iyo dhibaatooyinkii tirada badnaa ee ay ummadda reer Somaliland kala kulantay midnimaddii ay sannadkii 1960kii la middoobeen Koonfurtii Soomaaliya, iyo waliba sidii dhibka badnayd ee ay dib ugala soo noqdeen xorriyadoodii.



 

Gabagaygan ayaa waxa uu odhanayaa sidan:-

 

Lixdankii la dhaaf iyo kolkaynu luminay guushii

 

Waataynu barei loofarnay ee liidnay talladii

 

Laba dawladdood iyo israac waa waxay luraye

 

Lugteenaynu eedniyo qalbiga keen laxiibka ahe

 

Libmashaa la gallay dhiidhi iyo lidiq xanuun weyne

 

Labac darartay waatay dhashaye laaluf daaqsadaye

 

Waataye lakuud iyo dar baash laba-dibleeyeene

 

Laboodigu xageenuu ka jiray lib isku diidaaye

 

Hebel yaanu leden, yaanu liqin hebel u laan sheego

 

Laba aabbaheen wada dhalay baa laalay xaajada

 

Nin walaalkii laag dheer u qoday liite tallo waa

 

Lool qabiil baa lalabay leexo geediga'e

 

Nimaan aabbihii loolin jiray oo layli raran waayey

 

Nacasyaa ladaabtay iyo kuwaa damal u loogteen

 

Lagdintii jabnoo dawladdii laanta lagu duugye

 

Wixii aan lahayn iyo xorriyad leefa baa timiye

 

Layn iyo dil bay noo xiggiyo luqun jabkeeniiye

 

Markii waranka laynagu ligligay leebabkiyo seefta

 

Ee lawlaw iyo geesiyaal gumuc la leefsiiyey

 

Ee leexsanaan iyo badheedh laqan ku ruux-waayey

 

Ee luuq xabaal wadar dadkii loogu liqay boodhka

 

Ayey danni lahee tidhi waxaad lumisay raacdeeyey

 

Ladqabiyo la diid nabaddii iyo luuqad hadaleed

 

Laf waliba lafteeday kabtiyo ladhan xigaalkeed

 

Labiskiyo xaragadii luntay laafyo quruxeed

 

Laguug ka kacay fiolxumiyo laaqi hadalkiiye

 

Waxa loo halgamay geedi dheer liifad dirireed

 

Laxaad iyo dagaal la hurray lug iyo duulaan

 

Liibaanta Somaliland iyo laabashada gaarka

 

Waa calankan laagaha qurxoon libinta tawxiide.

 

 

Afartaa la'diyo Wow ku qoray, luuq kalaan tabine

 

Taariikhda lama leexin karo loox maxfuud qoraye

 

Way ligantay Soomaali weyn laab mid ku hayow'e

 

Xadhigii lamaaha tidcaday laago faraqowye

 

Allaylehe lix haw kala go'do luuqba qoon deggo'e

 

Anagiyo kuwii kala lunay dhiiga laacsaday

 

Dib u laabashiyo waa wax hadhay laban lagdoodkiiye

 

Tallana laba-labayn diidayoo goonidaa u ladane

 

Lullo iyo ninkii qaraw hayow laagu kuu qodane

 

Looxay ku taalaa sharciga looliyoow dhaqane

 

Labeentii qur'aankiyo sunnihi wuu liboon yahay

 

Labqa beena niman baa akhriya leexday waa horre

 

Loox duurayaal iyo kasyare leeda-fuul raraye

 

Laashuushka shaydaan dar cunay way ka leelami

 

Dadkuna waa lilaahi iyo kufaar dani labaysaaye

 

Waxa loo laqimay waa tabaha laysku laayaa

 

Lacag iyo aduun iyo hunguri lagu likaacoo

 

Ummaddahan laguugaa khalqigan labada caynooda

 

Lugta iyo xujadunwaa gucliyo laba wadaalaye

 

Caqligii lumbaday baadinimo noqay laciinkii

 

Halkii aayaddaha lagu bedelay ee lagu lawaagaayey

 

Labka iyo haweenkii la simay labadii uumood-ba

 

Culimaddii lalaayiyo gafbaa laalan ooggada

 

Godobaa lubiyan koonfur iyo dayn ku laabudan

 

Dhiig bay ladaabteen hilbiyo laxan adoomeede

 

Walee laguma lado baadilkii laalufka ahaaye

 

Lawyadu dar ay jaban yihiin oo laab la sara jooga

 

Nin labaatan jiray baan loohadkii shalaye

 

Laacbaa sakaarada hodiyo laamo dhagareede

 

Lugta xadhiga loo daadiyey ee liilan lagu jiidye

 

Lahjadiyo dhawaaqyada baxaye taarku lalinaayo

 

Mar horrey libaax iyo dad qaad ubad lafaysteene

 

Maantana da'yarahay lululi oy leegada u tumi

 

Labanlaab adoogood xulkii liido lagu aasay

 

Lilmadii yaxaaskiyo afkii liqayey weeyaane.

 

 

Afartaa la'diyo Wow ku qoray, luuq kalaan tabine

 

Nacaskii laleemada asqada looli ku habaabay

 

Ee oog lalaba loo shidaye meel fog uga laacday

 

Labadii dibnood wuxuu u furay hadal u laabnaaye

 

Laye wuxuu ku naaq yidhi la' iyo la'alihiisiye

 

Maxaa layga soo heli barriyo saadambaan lumiye

 

Laanteenu maamkuu lahaa ee maduhu liideeyey

 

Laan madaxbanaan weeye oo laydhka loo shidaye

 

Labaatan iyo lixdii Juune xorriyad nalagu maamuusye

 

annagaa lahayn tay jahligu laba gacmood sheene

 

Mar labaad lib-baa lagu hantoo laabatoo timi

 

Milatari u laylyani ku meer luuqa goonyaha'e

 

Lidka iyo gantaalaha rakibe cadawna leex duurye

 

Lakigiyo nasiibkeena wacan lulanay iimaane

 

Labxadiyo caloosha isku fura wadda labaysaane

 

Lulumaha qabiil yey cadaab law idiin dhigin

 

Xilkan loo lahiimsaday kursigan la isku laynaayo

 

Nin la saarayoo tallo aduun lagu mihiimsiiye

 

Adigiyo intii kula lugee fikir lamaanoobay

 

Xaajada allaa loo ceshaa diin la laasimo'e

 

Waxkastoo kitaab laga ifayn waa laqiyo beene

 

Lahan iyo haraad kama baxaan duul ka leexsaniye

 

Luu'aansigii shalay jidkii lagu lu'aashoobay

 

Lalabiyo hayaan haw hadfina lalashtankoodiiye

 

Liilaaf watiin iyo iqriyo laamamka u dagga

 

Laa'ilaaha ila-laah Muxamedkii lagu lamaaneeyey

 

Lugtuu dhigay waddadu waa sunnihiinood ku libidhaane

 

Annana laba shubaalaha ducada laagan naga hooyo

 

Laxihiyo daruuraha ha koro lu'annay khayrkiiye

 

 

Afartaa la'diyo Wow ku qoray, ee waxaan kusoo laabay

 

Laangadhihii cadaw kaama tagin oo libiqsan maayaane

 

Lafihii maroodi isku jabi yuu ladaabsadaye

 

Laba eefku waa khaayin nimo laba wajiiluuye

 

Galti laabta lala leeyahoow guul kumaadine

 

Libdhadaa tagtee waxaad tihiin liiqa sii dhige

 

Annaguna lisaanka iyo xaqaan laba lisaynaaye

 

Waxaan laaca sii daawanaa labac jannaadeede

 

Ha ka lumina laamabado ifiyo laaska budhudheed.


 

 

 

 

 

 

 

Abwaan Cali Haybe Cige

 

Mobile: 0634429279

 

 

Hargeysa/Somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...