Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Shaaciyey Tirada y Shaqaale Ay U Dirayaan Imaaraadka Iyo Wada Hadal U Socda Japan Iyo Wadamada Yurub
Addis Ababa(HWN):-Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa shaaciyey tirada shaqaale Itoobiyaan ah oo ay loo dirayo wadanka imaaraadka carabta.
Dhawaaqa raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed ayaa ku soo beegmaya wakhti ay wadamada gacanka carabtu sii balaadhinayaan saamaynta ay ku leeyihiin wadamada Geeska Afrika.
Raysal wasaare Abiy Ahmed oo ka hadlaya shaqaalaha ay dawlada Itoobiya u dirayso wadanka imaaraadka carabta ayaa waxa uu yidhi "Itoobiya waxay qorshaynaysaa in wakhtiga dhaw ay hoos u dhigto shaqo la,aanta ka jirta dalka, iyada oo ay sii kordhayso baahida ay dadkayagu u qabaan inay helaan shaqooyin” ayuu yidhi raysal wasaare Abiy Ahmed oo la hadlayey baarlamaanka dalkiisa.
Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa soo bandhigay qorshaha u dajisan ee shaqaalaha la dirayo "Mid ka mid ah qorshayaasha wakhtiga dhaw waa in wadamada dibada loo diro shaqaale xirfad leh, hadana waxaanu wadnaa heshiis wadanka imaaraadka loo dirayo shaqaale gaadhay 50,000(konton kun) inta u dhaxaysa sanadada 2019 ilaa 2020, doodayaduna waa inaanu dirno shaqaale gaadhaya 200,000(laba boqol oo kun) sadexda sanadood ee soo socda.”
Sidoo kale raysal wasaaraha Itoobiya ayaa intaas raaciyey "Shaqaalahani waxay heli doonaan tababaro ku saabsan qaybo kala duwan kuwas oo ay ku jiraan kalkaalisooyinka iyo darawalnimadakuwaas oo heli doono mushahar aad u sareeyo si ay u dhisaan awoodooda shaqo.”
Dhinca kale raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa ka waramay wadamo kale oo ay ka wada hadlayaan sidii ay dad shaqaale ah ugu diri lahaayeen "Doodaha ilaa hada noo socda ee aanu ku gaadhayno heshiis la mid ah kan imaaraadka waxa uu noo socdaa wadanka Japan iyo wadamada yurub”ayuu yidhi raysal wasaare Abiy Ahmed.
Hadhwanaagnews.com