Komishanka Dorashooyinka Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Doorashada.

0
Friday March 01, 2024 - 07:15:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Dorashooyinka Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Doorashada.

    "kuwaas oo ku muddaysan inay dalka ka qabsoomaan 13 November 2024"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"kuwaas oo ku muddaysan inay dalka ka qabsoomaan 13 November 2024"




Hargaysa (HWN)Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa kullan la qaatay masuuliyiin ka socday wadamada UK, Denmark iyo saraakiil kale oo Somaliland kala shaqeeya arrimaha doorashooyinka.



Weftigaas ay kullanka la qaateen komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa waxa kala hogaaminaayay labada Safiir ee UK iyo Denmark uqaabilsan Somaliya(‪Ambassador Mike ‬ iyo Ambassador Steen Sonne), kuwaas oo ay wehelinayeen saraakiil kale oo ka tirsan xafiisyada safiiradaas.‬


Kullankaas oo ka qabsoomay xarinta komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ee caasimada Hargeysa ayaa intii uu socday waxa lagaga wada hadalay qorshaha hirgallinta qabsoomida doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada/xisbiyada Qaranka Somaliland, kuwaas oo ku muddaysan inay dalka ka qabsoomaan 13 November 2024.


Masuuliyiinta komishanka doorashooyinka ayaa sheegay in kullankaasi ahaa mid muhiim ah, maadaama oo sannadkan hadda ay ku jirno dhammaadkiisa la filaayo inay Somailand ka qabsoomaan doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada/xisbiyada Qaranka, dalalka safiiradaasi ka sodaana ka mid yihiin kuwa Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyo dimquraadiyada.

Loading...
Loading...