Madaxweyne Xassan Shiikh & dhigiisa Ismaciil Cumar Geelle oo kulan yeeshay

0
Thursday February 29, 2024 - 11:30:40 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1025
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xassan Shiikh & dhigiisa Ismaciil Cumar Geelle oo kulan yeeshay

    Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya shirkan caalamiga ah ayaa soo bandhigaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya shirkan caalamiga ah ayaa soo bandhigaya

May be an image of 2 people and dais



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Nairobi kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.


 

Waxay ka wada hadleen iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada dal oo ay ugu horreyaan arrimaha amniga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka.


 

Xasan Sheekh ayaa gaaray maanta gaaray magaalada Nairobi halkaasoo uu kala qeyb-galayo Madaxda Caalamka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada oo lagaga arrinsanayo dhibaatada xooggan ee caalamka ka soo food saartay dhanka cimilada, taasoo si gaar ah saameyn xooggan ugu yeelatay nolasha shucuubta dalalka soo koraya.


 

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya shirkan caalamiga ah ayaa soo bandhigaya saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee cimilada, isagoo muujin doona dadaalka ay dowladdu ku wajahayso abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday.


 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi waxa uu kulammo la qaadan doonaa qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb-galaya shirkan, si uu xoojiyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay qorshaha caalamiga ah ee ka hortagga isbeddelka cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.

Loading...
Loading...