DEG DEG (Sawirro) Siyaasi kasoo goostay maamulka Somaliland oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

0
Thursday February 29, 2024 - 10:12:05 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG (Sawirro) Siyaasi kasoo goostay maamulka Somaliland oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

    Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi...

No description available.


Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray laguna soo dhaweeyay nin siyaasi ah oo kasoo jeeda deegaannada Somaliland, kaddib markii uu siyaasigaasi uu kasoo tagay shaqadii uu ka hayay maamulkii uu katirsanaa.


 



Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay Somaliland , haddana kamid ahaa lataliyaasha madaxweynaha Somaliland ayaa usoo goostay dowladda Soomaaliya.


 

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin kale ayaa kulan soo dhaweyn ah magaalada Muqdisho ugu sameeyay Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo kasoo tagay magaalada Hargeysa una soo wareegay Muqdisho.


 

”Sharaf bay Inoo aheyd in aan magaalada Muqdisho ku soo dhowayno Siyaasi Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo xilal kala duwan ka soo qabtey Maamulka Gobolada Waqooyi. Waxaan soo dhowaynaynaa Md. Cabdiwaaxid oo la taliye u ahaa madaxweyne Muuse Biixi isagana soo tagey xilkaas iyo gebi ahaan maamulkaas” ayuu yiri Fiqi.


Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay boggaadineyso siaasiyiinta kasoo laabanay afikirka gooni-goosadka, isla markaana diyaarka u ah in ay Midnimada dalka iyo dadka ka shaqeeyaan.

No description available.
No description available.
No description available.
No description available.
Loading...
Loading...