Islaamka Iyo Wadaniyadda.

0
Wednesday February 28, 2024 - 11:05:06 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Islaamka Iyo Wadaniyadda.

    "Caa'isha waxay tiri :-kolkii uu Rasuulka scw Madiina soo galay..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Caa'isha waxay tiri :-kolkii uu Rasuulka scw Madiina soo galay..



Mowduucan inaan ka hadlo waxaa igu dhaliyay ka dib kolkaan dhowr jeer arkay dad aan aqoon buuxda Diinta islaamka u lahayn oo baraha Bulshada si fudud oga oranaya Wadaniyadu waa gaalnimo,


Dhab ahaantii waa la yaab in dad Islaam sheeganaya ay ka hoos baxdo halkii ay siirada Nabiga scw iyo taariikhdiisii ka bilaabay ee hijriyadii kolkii uu Rasuulka scw ka haajirayay mako ee uu madiino u socday oo intuu soo jalleecay dhowr jeer Maka yiri”Makooy kaama aanan tageen haddii aysan Qoomkayga iga kaa soo saarin”

"وعن ابن عباس.

أن رسول الله صلى الله عليه وسلم وقف على الْحَزْوَرَةِ فقال: والله إنك لخير أرض الله وأحب أرضٍ إليَّ ولولا أن أهلك أخرجوني منك ما خرجت"

رواه أحمد والترمذي والنسائي وابن ماجه'ورواه الدارمي أيضاً، وابن عبد البر في التمهيد.

"Ibnu cabaas rc wuxuu yiri:-Rasuulka scw ayaa intuu istaagay duleedka Maka yiri:-wallaahi Makooy waxaad tahay arlada Eebe midda ugu khayr badan oo aan anigana aad u jeclahay,hadaysan Ehelkaaga iga kaa soo saarina kaama aanan soo tageen”.



Si taa la mid ah qofka ay wadan jacayl gaalnimo la tahay muxuu u arki waayay sidii ay u daltabyoodeen Asxaabtii Nabi Muxamad scw ee Muhaajiriin kolkii ay maalin kasta soo eegi jireen dhanka ay Maka ka xigto ee ay ka sheekeynteeda jeclaysan jireen,ilaa uu Nabiga scw yiri "Ilaahow aniga iyo Asxaabteyda Muhaajiriinta ah Madiino noo jeclaysii sidii aad Mako noo jeclaysiisay”


"وعن عائشة قالت " لما قدم رسول الله - صلى الله عليه وسلم - المدينة وعك أبو بكر وبلال ، فجئت رسول الله - صلى الله عليه وسلم - فأخبرته فقال اللهم حبب إلينا المدينة كحبنا مكة أو أشد ، وصححها وبارك لنا في صاعها ومدها وانقل حماها فاجعلها بالجحفة ". متفق عليه .


"Caa’isha waxay tiri :-kolkii uu Rasuulka scw Madiina soo galay waxaa xanuunsaday oo daltabyooday Abuubakar iyo Bilaal,Rasuulka ayaan u imid oon arintaa u sheegay,dabeeto wuxuu Rasuulka scw yiri:-ilaahow Madiino noo jeclaysii sidaad Mako noo jeclaysiisay ama ka daran,oo meel caafimaad badan nooga dhig oo noo barakee Madaalkeeda iyo Koombadeeda,oo naga rar Qabdhadeeda oo gee duurka cidlada ah ee Juxfa”.


Ku dar intaas inuu Rasuulka scw yiri "Jabalka Uxud waa na jecel yahay anaguna waan jecelnahay”.

"عن أنس بن مالك ـ رضي الله عنه ـ قال: ( خرجت مع رسول الله ـ صلى الله عليه وسلم ـ إلى خيبر أخدمه، فلمّا قدِم النبي ـ صلى الله عليه وسلم ـ راجعا وبدا له أُحُد، قال: هذا جبل يحبّنا ) رواه البخاري .


"Anas ibnu Maalik wuxuu yiri Rasuulka scw ayaan u raacay khaybara anigoo khaadun u ah,kolkii uu Rasuulka scw ka soo laabtay ee Madiino ku soo dhow yahay ayaa waxaa u muuqday Jabalkii Uxud,kolkaasuu Rasuulka scw yiri Jabalkani wuu na jecel yahay”.


"وعن أبي هريرة ـ رضي الله عنه ـ قال: قال رسول الله ـ صلى الله عليه وسلم ـ: ( إن أُحُدا جبل يحبنا ونحبه ) رواه مسلم .

"Abuu hureyra rc waxaa laga wariyay inuu yiri:-Rasuulka scw ayaa wuxuu yiri:-Uxud waa Jabal na jecel anaguna aan jecelnahay”.


Ahmiyadda Waddanka iyo Halka uu Qofka Muslimka ah degan yahay leedahay darteed ayuu Alle diiday oo uu waxyaabaha daran ee uu ka digay ku daray in ay dadku isku dilaan iskana barakiciyaan deegaanadood.

"وَإِذْ أَخَذْنَا مِيثَاقَكُمْ لاَ تَسْفِكُونَ دِمَاءكُمْ وَلاَ تُخْرِجُونَ أَنفُسَكُم مِّن دِيَارِكُمْ ثُمَّ أَقْرَرْتُمْ وَأَنتُمْ تَشْهَدُونَ} [البقرة:84]،


"Bal Xusa waqti aan Ballan idin kula galnay in aydaan Dhiigiina daadinin oo aydaan iska bara kicinin Guryihiina ka dibna aad arintaa sugteen ood marag furteen inka oo xaadir ah”.


Runtii haddii la yiraahdo ha laga hadlo Nusuusta ku tusinaysa Waddan jacaylkii Nabi Muxamad scw iyo Asxaabtiisa wax hal darsi lagu soo koobi karo maaha,


Waxaase wax lala yaabo ah halka ay iska soo galaan Waddankaaga oo aad jeclaado iyo gaalnimo?!!!.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...