Maxaa raganimada ku ceeba? Qaybta 1

0
Wednesday February 28, 2024 - 11:02:27 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa raganimada ku ceeba? Qaybta 1

    Wax akhrin la'aan. Hadaad neceb tahay wax akhriska,...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax akhrin la'aan. Hadaad neceb tahay wax akhriska,...


1. Waxaad arkaysa nin waynoo iska dhaadhicinaya, qofka uu u shaqeeyo, shirkada uu u shaqeeyo, haweenay ama siyaasiyin iyo wixii lamid ah.Taasi waa ku ceeb raganimada. Ma aha inaad isku dhabar jabiso raali galinta basharka. Waa inaay tayadaadu ku difaacdo. Waa inaay dadnimadaadu ku ilaaliso. Waa inaay dabeecadaada iyo hab dhaqankaagu kaa celiyan dadka kale. Waa inaay samayntadu gadho iyaga adoon iska waramin.



2. Nin ahaan waa inaad tahay nin run yaqaan ah. Waa inaad tahay nin hadal cad. Waa inaad tahay aftahan. Waa inaadan noqonin af-minshaar ka faalooda wax walba oo ka hadla xaalad kasta. Waa inaad baratid sababta hal af iyo labo dhagood laguu siiyay inaay tahay amuskaaga oo bata iyo hadalkaaga oo yaraada. Marwalba oo hadalkaagu bato dadku waay kugu cajisayan. Marwalba ood af-minshaar noqotid na sharaftaada ayaad waayaysa.


Dadka kale arimahooda faraha kala bax. Qofka kuu yimaada ee kula wadaaga qisadiisa la tali hadii uu talo ku waydisto. Waani hadaay munaasib tahay. Caawi haduu garab u baahan yahay lakin sida dumarka ha noqonin af-ku xoog leh xan badan oo edeb daran.


4. Hadaad rabto sharaftaada oo kuu nagaata, ilaali dadka kale dareenkooda, midka raba in la dhagaysto maqal waxa uu kuu sheegayo, shaqsiga raba talo, u hagar bax, qof raba ugar gaarid sii waxa aad u awoodid, kuwa daciifka ah garab istaag balse ha noqon axad daandaansi badan dhawaana calaala. Faidaada uun haradsanine isku day in wax lagaa faido adiga. Ahaw nin dadku ka shekeyan ee haiska sheekaynin adigu.


5. Wax akhrin la'aan. Hadaad neceb tahay wax akhriska, jogtee wax akhrinta ilaa aad ka jeclaatid akhriska. Hadaad tahay qof aan waxba akhriyin raga qayrkaa ah lama doodi kartid. Sidee baad ula doodaysa nin asaagaa ah oo maalin walba 600 oo page akhriya halka aad adigu fadhi ku dirirka bilaa macniga ah fadhidid. Sidee baad ula tartami karaysaa nin ugu yaraan 3 luqadood oo caalami ah ku hadlaya halka adigu af- somaaliga uu kuu dheer yahay ingiris jajaban oo ardayga shanadka ahi ku hadlin. Wax akhri si aad wax u ogaatid. Wax baadh oo qaab akhlaaqaysan darasooyin u samee. Ka war doon taarikhaha, sugaanta, soyaalka iyo wixii dhacay hada ka hor. Noqo qof maskaxdiisu badanka furan tahay afkiisuna xidhan yahay.

Nour Ibroz

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...