Arimaha dabiiciga ah ee aay tahay inla aqbalo oo kaliya.

0
Wednesday February 28, 2024 - 11:00:15 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arimaha dabiiciga ah ee aay tahay inla aqbalo oo kaliya.

    marnaba kama nabad galaysid dadka, hadii aay cid..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

marnaba kama nabad galaysid dadka, hadii aay cid..


Eebe haduu qadaro inuu roob da'o, meesha robkaas loo qadaray dadka jooga gaal iyo islaamba wuu Ku da'ayaa oo la oran maayo Kani waa gaal'e naxarista eebe yaaysan udi'in kanina waa muslim'e kaligii hau da'o. Saas si lamida, dhibaatooyinka dadka kaa soo gaadhayaa waa sida robkaas oo kale oo intii eebe qadaray seegi maayside udulqaado kolaba ka nabad gali maaysid ina aadame.



Duufaan eebe haduu meel ka rido, waxay u badan tahay inaay guriga muminka iyo ka munaafiqa isku si udumiso. Sidaas awadeed arlada waxaay usaaxiib tahay masiibooyin. Inla aqbalo oo lagu samri wixii dhib ah ee eebe leeno mooyaane xalkalana malaha.


marnaba kama nabad galaysid dadka, hadii aay cid kabadbaadi jirtana waxaa aay faraha ka qaadi lahaayeen ambiyadii Alle S.W. intooda ku xumaysa usamir oo cafi adiguna dadka nabad gali. Waa aay adag tahay dee marwalba in wanag lagu soo dhaweeyo qof xumaan uun kugula soo duldhacaya hadana inaga sunada rasuulka iyo quraanka ayaaynu kudabaqayna.

Alle dhulka wuxuu ka yeelay Caro san, caro seel, buuro, bado, kaaymo iyo wabiyo. Hadaad ufiirsatid meelwabla beer lagama beeran karo. Waa inaad fahantid quluubta dadkuna inaay sidaas oo kale uun tahay oo qofwalba qalbigiisa waxa lagu beeraayi kama soo laabanayo.


Dad waxaa kuugu xaq badan hoyadaa macaan. Iyadaa ugu xaq culus. Iyada ayaa mar sadeexaad ka xaq wayn abahaaga. Isku day hadaay noshahay inaad raali gali so hadaay dhimatana uducee. Abaha, walaladaa iyo dadka kalena qofwalba xaqiisa iska sii.

Nour Ibroz

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...